Muqdisho:
Waxaa Maanta Lasoo Gabagabeeyey Hadal-Jeedinta Murashaxiinta U Taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Kulanka ay isugu imaadeen Mudnayaasha Golaha Shacabka uu shir gudoominayey Sii hayaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey ayaa waxaa looga dhageystay Aragti siyaasadeedkooda shan ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxayna kala ahaayeen:
Isniinta soo socoto ayaa la filayaa ay taariikhdu ku beegantahay 30-04-2018 ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyadoo ay u taagan_yihiin 11 Musharax.
Murashax Xil Iimaan
Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa maanta isugu yimid xarunta Golaha shacabka kulankoodi ugu horeeayay,kadib fasax ay ku maqnaayeen iyadoo uu dhawaan furay Kalfadhiga 3-aad Madaxweynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduulaahi Maxamed Farmaajo. Kulankii ay maanta isugu yimaadeen mudanaaysha Golaha Shacabka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari, oo ay hareer fadhiyeen labadiisa ku xigeen iyadoo sidoo kalena kulankaan ay soo xadireen xildhibaano tiradoodu gaareysa 170 mudane, ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa:
Waxay mudanayaasha Golaha Shacabka u codeeyeen Xeerka Dhowridda Gobonimada iyo Midnimada gayiga Soomaaliyeed. Waxaa xeerkaan ogol ugu codeeyay 168 mudane waxaa sidoo kale ka aamusay hal mudane, halka hal mudane kale uu diiday. Intaas kadib ayaa mudanayaasha golaha shacabka waxaa loo qeybiyay “Doodda Heshiiska Shirkadda Dubai Port World ee dekedaha Soomaaliya” si ay u soo akhristaan aynadib isugu soo laabtaan dooddeeda. Gabagabadii kulanka ayaa waxaa soo xiray Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Cabdi Wali Ibraahim sh. Muudeey
Xafiiska Warfaafinta Golaha Shacabka