Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga 4-aad, Kulanka waxaa soo xaadiray 165 Xildhibaan, waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha shacabka ayaa goobjoog ka ahaa kulanka, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay dhowr hindise sharciyeed kuwaasi oo kala ah:
1. Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga.
2. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga LR-11 ee soo baxay sanadkii 2006-dii ee shaqaalaha rayidka.
3. Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Naafada.
4. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga hanta dhowrka guud ee LR-kiisu yahay 34, kaasoo soo baxay 14-kii 4-aad sanadkii 1972-dii.
5. Warbixinta Xisaab xirka dowladda ee sanadka 2017.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanada u jeediyay warbixin ku saabsaneyd qorshe howleedka Golaha Shacabka mudada uu furan yahay Kalfadhiga 4-aad.