Golaha Shacabka

Sida uu qabo qodobka 55aad ee Dastuurka KMG:

(1) Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay:

     (a) Golaha Shacabka , iyo
     (b) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

(2) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxay masuuliyadaha sharci-dejinta u gutaan si waafaqsan Madaxa Afraad ee Dastuurkan oo ku saabsan habraaca sharci-dejinta Heerka Qaran.

Golaha Shacabka waxaa uu ka kooban yahay 275 Xildhibaan, kuwaa oo laga soo kala doortay Todobo(7) deegaan doorasho:-

SN. Deegaan Doorasho Tirada Xildhibaanada
1. Gobolka Banaadir      5
2. Galmudug      37
3. Goboladda Waqooyi      46
4. Hirshabeele      38     
5. Jubaland      43
6. Puntland      37
7. South West       69
  Wadarta Guud ee Xildhibaanada      275 

 

Qodobka 64(4) ee Dastuurka KMG, waxaa uu xeerinayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS, marka mudada xilheyntiisu dhamaato in uu ka mid noqonayo Xildhibaanada Golaha Shacabka uuna ahaanayo Xildhibaan inta uu noolyahay, haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn iyadoo aanay u dhammaan mudadii xilheyntiisa. 

Qodobka 64(4) ee Dastuurka ayaa u qoran sida tan:-

"Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-kaqaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay"

SN. Nooca Xildhibaano ee Golaha Shacabka  Tirada Xubnaha
1. Xildhibaano la soo doortay 275
2. Xubin aan la soo dooran (Madaxweyne Hore) 1
  Wadarta Guud  276

 

Awoodaha Golaha Shacabka

1. Awooda Sharcidajinta

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah:

(a) Inuu ansixiyo, wax ka beddelo ama diido sharciyada la horkeeno;

(b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada.

2. Awoodaha kale ee Golaha Shacabka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay awoodahan dheeriga ah ee soo socda:

(a) Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu hor-keeno Golaha Shacabka;

(b) Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka;

(c) U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa;

(d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1;

(e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku- xigeenka/kuxigeennada Ra’iisulWasaaraha; (f) Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha sida ku cad Dastuurka;

(g) Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaadey Dastuurku, si loo hubiyo dhaqan-gelin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka