Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Fahdiyadda Golaha

Qodobka 66aad.  Ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka

Kal-Fadhiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka

(1) golaha Shacabka ee Federaalka ah ee cusub, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa soddon (30) maalmood gudahood kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya guddiga Qaranka ee Madax Bannaan ee Doorashooyinka.

 (2) golaha Shacabku ee Federaalka ihi waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaraan midkiiba socdo afar (4) bilood.

(3) Xeer-hoosaadka golaha Shacabka Federaalka ah ayaa lagu xaddidayaa waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee golaha Shacabka iyo xilliyada nasashada.

(4) golaha Shacabku wuu yeelan karaa Kalfadhiyo aan Caadi ahayn haddii:

(a) Madaxweynaha Federaalku isugu yeero, ka dib marka uu helo codsi ka yimaada golaha Wasiirrada; (b) guddoomiyaha goluhu isugu yeero;

 (c) Haddii ay codsi qoraal ku weydiistaan ugu yaraan boqolkiiba labaatan (20%) xubnaha golaha Shacabka

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya