Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Sharciyada Doodaha Baarlamaanka

Qodobka 30-aad  ee xeer Hoosaadka Golaha Shacabka  Wuxuu Fahfahinaya Habka dooda iyo Anshaxa:

 Habka dooda iyo Anshaxa ee Xubnaha

  1. Xildhibaan walba wuxuu xaq u leeyahay in si xor ah u cabiro lana xurmeeyo ra’yigiisa marka Golaha laga dhex doodayo. 
  1. Iyadoo la fulinaayo faqradda kor ku xusan, xubnaha Golaha waa in ay si hagaagsan ugu dhaqmaan qodobada so socda:-

  a) Xubin kasta waxaa laga doonayaa in ay fekerkeeda u cabirto si kooban oo cad iyadoon ka baxayn qodobka laga hadlayo, laguna celcelin ereyo isku mid ah, ilaalinaysana waqtiga loo qararay.                                             

  b) Xubin walba Waxaa waajib ku ah in ay run ka sheegto qodobka ay ka hadlayso.                                                                                                                                                                                                  

  c) Waxaa waajib ku ah xubin kasta in uusan hadalkeedu xiisad kicineyn, khalkhalna gelineyn wadanka iyo shacbkaba.                                                                                                                                                    

  d) Xubin kasta waa in ay ilaalisaa sharafta iyo xasaanada Aqalka, xubnaha iyo ha’adahakale.

  e) Soojeedinta xubin walba waa in ay ku salaysan tahay mabaadiida iyo fekerada uu

tageeraayo ama kaga hor imaanaayo, iyadoo la dhawraayo xubnaha kale

 f) Xubinta cabiraysa fekerkeeda laguma samayn karo dhexgal, gunuunuc,qaylo,

sacabin, foori iyo wixii kale ee dhaqan xumo ah.

 g) Xubina ma hor keeni karto Golaha ra’yi aan waafaqsanayn ajendada xiliga fadhiga

hortaal, hadaanu ogolaan Guddomiyuhu.

 h) Xubina kama bixi karto fadhiga, ka dib markii ay jeediso fekerkeeda.

 i) Xubina kuma qaybin karto ducumenti aanu fasaxin gudoomiyuhu.

 j) Waxaa ka reeban xubnaha in ay qalalaaso ka sameeyaan Baarlamaanka iyo

agagaarkiisa.

 k) Waxaa reeban in xubnuhu u tanaagoodaan ama u il jebiyaan martida golaha fadhida.

 l) Waxaa reeban in laga baxo fadhiga marka Guddomiyuhu hadlayo ama ay socoto cod bixin.

m) Waxaa reeban in lala yimaado, calaamado, qoraalo, sloogano iyo dhawaaq muujinaya is hortaag howlaha golaha.

 n) Xiliga uu hoogaaminayo guddomiyuhu shirka looma tegi karo waxna looma sheegi karo, xoghaynta ayaa wixii qoraal ah loo marinayaa.  Xubintii rabta in ay hadal jeediso waxay raacaysaa talaabooyinkan:

a) xubin walba waxay ku bilaabaysaa hadalkeeda” Mahadsanid Guddomiye” 

b) Waxay isticmaalaysaa “ Xildhibaan” marka ay tilmaamayso xubin kale, ama “

Mudane/Murwo” marka ay sheegayso qof kale oo madaxda ka mid ah.

 c) Xubintii rabta in ay hadasho waxay taageysaa gacanta iyadoo aan qaylin, kicin ama

ficil kale sameyn. 

d)  Xubina ma hadli karto, calaamadna kuma muujin karto Ra’yigeeda haduusan

Guddomiyuhu u ogolaan. 

 e) Xubintii hadasha ayadoon guddomiyuhu u ogolaan wuu ka joojinayaa hadalka,

wuxuuna hadalka siinayaa cidii ku xigtay.

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya