Taxanaha Golayaasha Sharcidajinta Soomaaliya 

Soomaaliya, oo loola jeedo labadii gobol oo ku midowday Jamhuuriyadda Soomaaliya 1dii Luulyo 1960kii, waxay soo martay marxalado kala duwan tan iyo markii Dawladda Talyaaniga iyo midda Ingiriisku ay billaabeen in ay ku fidaan gobolladan laga billaabo dhammaadkii qarnigii 19aad.

Qoraalkan wuxuu ku salaysan yahay daraasad laga sameeyey taxanaha golayaashii sharcidejinta Soomaaliya soo yeelatay, qaabka ay golayaashu ku iman jireen, madaxdoodii iyo gunnada ay qaadan jireen. Daraasaddu waxay koobaysaa golayaashii sharcidejinta ee ka hirgalay labada Gobol ee Soomaaliya oo ku kala jiray gacanta Maxmiyadda Ingiriiska iyo Wasaayadda Talyaaniga oo 1dii Luulyo 1960kii ay ka abuurantay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Inta ayan Somaaliya xoroobin, labada gobol waxaa ka hanaqaaday golayaal sharcidejin oo markii hore ku dhisnaa hab magacaabid kaddibna doorasho.

Dhinaca Waqooyi ama Maxmiyadda British Somaliland marka laga billaabo, 1946 waxaa la dhisay gole lagu magacaabo Golaha La-tashiga (Advisory Council) oo sanakiiba hal mar shiri jiray.

1955tii waxaa la soo saaray sharci lagu magacaabay “The Somaliland (Constitution) Order in Council 1955” oo dhanqalkiisu dib u dhacay ilaa 1957, xilligaasoo la dhisay Golihii u horreeyay ee Sharcidejinta British Somaliland oo ka koobnaa xubno isku dhafan.

1959kii waxaa dhaqan galay mar labaad isla sharciga sare ku tilmaaman “The Somaliland (Constitution) Order in Council” oo lagu dhisay Gole sharcidejin ka kooban xubno la soo doortay iyo qaar ku yimid magacaabid.

1960kii doorasho ku salaysan isla sharcigii ahaa "The Somaliland (Constitution) Order in Council” ayaa ka dhacday Ex-British Somaliland. Waxaa doorashada ka qayb galay xisbiyadii halkaa ka jiray waxaana lagu soo doortay 33 xubnood oo ka kala tirsanaa saddex xisbi siyaasadeed: SNL: 20 kursi; USP: 12 kursi iyo NUF: 1 kursi.
Dhinaca kale ee Koofur, markii ugu horreysay ee Soomaalida ku nool dalkii loo yiqiin “Somalia Italiana” laga talogeliyey aayaha dadka iyo dalka, loona dhisay gole u habaysan qaab barlamaan, wuxuu ahaa xilligii Talyaanigu uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya isagoo ka wakiil ah Qarammada Midoobay, kalana wareegay maamulkii Soomaaliya dawladdii Ingiriiska oo gobolkan ka qabsatay Talyaaniga 1941kii.

1951kii golihii u horreeyey oo qaab barlamaan u dhisan ayaa laga aasaasay Muqdisho waxaana la dhihi jiray “Consiglio Territoriale” ama “Al-majlis Al-Iqliimi”, Magaca rasmiga ah ee xubnuhu wuxuu ahaa “Consiglieri Territoriali”, sida ku xusan Amarka (Ordinanza) lambar 144 ee 30kii Dishember 1950.

Xubnuhu waxay ku iman jireen hab magacaabid (nomina) ee ma ahayn kuwo doorasho dadweyne toos ah ku yimaada, magacaabiddaasoo uu xeer ku meelmarin jiray Xaakimkii Idaariga Talyaaniga ahaa ee Soomaaliya (Amministratore), soojeedintuse waxaa lahaa qaybaha bulshada ee xubnahaaasi ay matilayeen.

Xubnaha Goluhu “Consiglio Territoriale” waxay ka iman jireen 5 (shan) qaybood oo kala ahaa:
(1) Xubno ka socda Gobollada dalka (Rappresentanza Regionale)
(2) Xubno ka socda Xisbiyo siyasadeed (Rappresentanza politica)
(3) Xubno ka ka socda qaybta dhaqaalaha (Rappresentanza economica)
(4) Xubno ka socda hiddaha iyo dhaqanka (Rappresentanza cultrtale) iyo
(5) Xubno ka socda jaaliyadihii shisheeyaha ahaa ee degganaa dalka (Rappresentanza delle Comunita’ minori).

Muddada xilka Gole kaastaana waxay ahayd hal sano.

Xubnuhu ma ayan lahayn mushaar ama gunno bileed (indennita’ parlamantare mensile). Waxay qaadan jireen gunno fadhi marka ay shir ka soo qayb galaan (gettone di presenza) iyo kharajka uga baxa safarka ilaa Xamar si ay shirarka golaha uga qayb galaan. (Amarka (Ordinanza) lambar 3 rep. ee Febbraio 6, 1951).

Shirarka Golaha “Consiglio Territoriale” waxaa guddoomin jiray Madaxa Maamulka AFIS, (Amministratore) ee Dawladda Taliyaaniga ama Sarkaal uu asagu wakiishay.

Laba Guddomiye ku xigeenno ayuu Goluhu lahaa waagaas waxayna kala ahaayeen Aden Cabdulle Cusmaan iyo Cabdinuur Maxamad Xuseen oo ka kala tirsanaa Xisbiyadii SYL iyo Hizbiya Dighil iyo Mirifle (HDM). Goluhu wuxuu ku shaqeyn jiray xaruntii hore ee “Comando di Polizia” oo ku tiil meeshii markii dambe laga dhisay daarta “Banca Commerciale”.

Intii uu jiray golihii lagu magacaabi jiray “Consiglio Territoriale”, tirada xubnaha golaha isbeddello ayaa hadba ku dhacayey.

Sanadkii 1951, oo la dhisay golihii u horreeyey, Xubnuhu waxay ahaayeen 35 xubnood oo isugu jiray Somaali iyo ajaanib ka wakiil ah jaaliyadihii shisheeye ee dalka deggenaa oo ay ka mid ahaayeen Carab, Taliyaani, Hindi iyo Pakistan.

Sanadkii 1952, tiradii Xubnaha Golaha oo weli wata isla magicii ahaa “Consiglio Territoriale” waa la kordhiyey waxaana la gaarsiiyey 44 xubnood.

Sanadkii 1953 xubnihii Golaha “Consiglio Territoriale” waxaa la gaarsiiyey 51 xubnood (arag: Amarka/Ordinanza n. 22 rep. del Dicembre 21, 1953) .

Sanadihii 1954 iyo 1955, tiradii xubnaha Golaha is beddel laguma samayn. (arag: Amarka/Ordinanza) lambar 22 rep. ee 21ka Dishember 1953).

Haddaba, 1951 ilaa 1955 waxaa Soomaaliya ka hirgalay shan gole (consigli territoriali) oo mid kastaaba muddadiisu ahayd hal sano oo ilaa xad talo ka dhiiban jiray shuruucda iyo xeerarka cusub ee dalka loo dejin jiray ama ra'yi iyo talo laga weydiiin jiray tallaabooyinka muhiimka ah ee maamulkii AFIS.

Sanadkii 1956 waxaa la qabtay doorashadii siyaasadeed ee ugu horreysey oo dalka ka dhacda. (arag: Amarka/Ordinanza) lambar 6 ee Maarso 1955). Xubnaha Goluhu waxay noqdeen kuwa dadweynuhu soo doortaan oo tartan loo galo. Tirada Golaha waa ay korortay oo waxay gaartey 70 xubnood oo isugu jira lixdan (60) Somaali ah iyo toban (10) shisheeye ah. Xubnaha ka socda Jaaliyadaha shisheeye iyaga si gaar ah u soo xulan jiray wakiilladooda.

Doorashadii 1956 (Febbraio 29, 1956) wixii ka dambeeyey Golaha magaciisii waa uu is beddeley oo wuxuu noqday “Assemblea Legislativa/ Golaha sharcidejinta” . Sidaas ayuuna magacii hore oo ahaa “Consiglio Territoriale” ku dhammaaday. Waxaa dhismay barlamaan dhab ah oo ka mas’uul ah dejinta shuruucda dalka. Waxaa loogu waqlalay inuu yahay Madashii koowaad ee sharcidejinta Soomaaliyeed (Prima Legislatura della Soomalia). Xubnihii la soo doortay waxay noqdeen “Deputati”, magacii hore ee loo yiqiiney “Consiglieri Territoriali”, sidaas ayuu ku dhammaaday.

Barlamaanka waxaa xarun u noqotay daartii guduudneyd oo loo yiqiin Daarta Barlamaanka oo bartamaha Xamar ku tiil.


FG: (Inta Goluhu u soo wareegin dartan, wuxuu muddo kooban ku sii shaqeeyey xaruntii Consiglio Territoriale, sababtoo ah hawlo dib u habayn ah ayaa ku socotay golaha cusub).

Madashii koowaad ee Sharcidejineed waxaa Guddoomiye loo doortay Mudane Aden Cabdulle Cusmaan oo ka tirsanaa Xisbiga SYL, Guddoomiye ku-Xigeenna waxaa loo doortay Mudane Cabdinuur Mohamed Hussein oo ka tirsanaa Hizbiya Digil Mirifle (HDM).

Sanadkaas Xildhibaannada waxaa u billowday inay qaataan shan boqol (Sh.So.500) bishiiba oo gunno bileed ah (arag: Legge/Sharci N. 6 del Maggio 28, 1956). Hal sano kaddib gunnadii waxaa la gaarsiiyey lix boqol iyo konton shilin(Sh.So. 650) (arag: Legge/Sharci n. 14 dell’Ottobre 28, 1957). 1959kii gunnada waxaa la gaarsiiyey kun shilin (Sh.So.1000) (arag: Legge/Sharci n. 15 del Novembre 14, 1959). Sanadkii u dambeeyey ee 1969ka gunnadii waxay gaartay laba kun shilin (Sh.So.2000). Intaas waxaa u dheeraa gunno fadhi oo ahayd labaatan shilin (Sh.So.20) fadhigiiba (gettone di presenza).

Dhanka kale, 1956kii, bishii Maajo, waxaa la dhisay xukuumad Soomaaliyeed tii ugu horreysay oo u xilsaarneed talada iyo maamulka dalka, marka laga reebo arrimaha dibedda iyo Gaashaandhigga (arag: Legge/Sharci No 1 del 7 maggio, 1956).

Bishii Maarso 1959 waxaa la qabtay doorasho labaad. Tirada xubnaha cusub waxaa la gaarsiiyey 90 oo dhamaantood Somaali ahaa. Waxaa meesha ka baxay xubnihii ka socday jaaliyadaha shisheeye ee dalka degganaa.

Waxaa Guddomiye Barlamaan loo doortay, mar labaad, Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan, oo jagadaas hayey ilaa 30kii Juun 1960, Guddomiye ku-Xigeenna waxaa loo doortay Mudane Abdulqadir Mohamed Aden “Zoppo”.

1dii Luulyo 1960kii, waxaa abuurmay barlamaan ka kooban 123 xildhibaan: 90 xubnood oo ka soo jeeday golihii sharcidejinta ee koofurta Soomaaliya iyo 33 xubnood oo ka soo jeeday Gobolada Waqooyiga Soomaaliya. Mudane Aadan Cabdulle ayaa loo doortay Madaxweyne Ku-meelgaar ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Dastuurka ayaa ahaa wejigiisii 1aad mid kumeelgaar ah oo sugaya afti qaran oo joogtayntiisa lagu xiray, aftidaasoo muddo hal sano gudaheeda lagu qabto, taas ayaana keentay Madaxweynuhu inuu noqdo ku-meelgaar.

Jagada Guddoomiyennimada Barlamaanka sidaas ku dhismay waxaa loo doortay Mudane Jamac Cabdullahi Qaalib, oo horey u ahaa Guddoomiyihii Barlamaankii Ex British Somaliland, wuxuuna jagadaas hayey ilaa Maarso 1964.

Waxaa xusid mudan muddadii la diyaarinayey Dastuurkii 1960, xilligaasoo Soomaaliyada koonfured weli ku jirtay wasaayadda Taliyaaniga, in golaheedii sharcidejinta (Assemblea Legislativa) magacii laga beddelay, loona beddelay “Assemblea Costituente” ama “Aljimciyaha Al-ta'siisiyah”. Sidaasna waxaa u sabab ahaa Golaha oo isku kordhiyay xubno ka kala tirsan qaybaha Bulshada si uu si ku-meergaal ah u ansixiyo lana dhaqangeliyo Dastuurkii 1960kii oo labada Gobol ku midoobeen, waxaana Golahan la siiyay awood aad u ballaaran iyo madax bannaani ay ugu dejin karo dalka dastuur mabaadii’ iyo aragtiyo cusub xambaarsan (arag: Legge/Sharci 6 Gennaio n.6: Attribuzione dei poteri costituzionali all’Assemblea Legislativa ). Waxaa xusid muddan in Golaha madashani ay gudaneysay laba xil oo kala ah xilka gole sharcidejin caadi ah marka ay Xildhibaanada kaligood fadhiyaan iyo xilka Golaha Dastuurdejinta marka ay la fadhiyaan xubnaha ay isku kordhiyeen.

Sanadkii 1964 (Maarso) waxaa la qabtay doorasho siyaasadeed oo ahayd tii ugu horreysay oo ka dhacda Soomaaliya oo mid ah (Waqooyi iyo Koonfur), laguna soo doortay xubnihii Madasha Sharcidejinta Saddexaad (terza legislatura).

Waxaa Guddoomiye loo doortay Mudane Ahmed Sheikh Mohamed Absiye oo ahaa xildhibaan laga soo doortay degmada Berbera, wuxuuna jagadaas hayay Maajo 26, 1964, ilaa Maarso 4, 1966.

Maarso 8dii, 1966, kaddib markii xilkii guddoomiyenimada laga wareejiyey Axmad Sheekh Mohamed Cabsiye, waxaa loo doortay Guddoomiyaha Barlamaanka, Mudane Sheikh Mukhtar Mohamed Hussen oo ka mid ahaa Guddoomiye ku-xigeennada barlamaanka, jagadaasoo uu hayay ilaa Maarso 1969, ama ilaa dhammaadka Madashii Sharcidejinta Saddexaad.

Sanadkii 1969 (Maarso) waxaa dalka ka dhacay doorashooyinkii lagu soo doortay xildhibaannadii madasha sharcidejinta Afaraad ee taaiikhda Soomaaliya (quarta legislatura)

Waxaa Guddoomiye Barlamaan, mar labaad, loo doortay, bishii Maajo 1969, Mudane Sheikh Mukhtar. Jagadaas wuxuu hayey ilaa 21 Oktoobar 1969, oo ku beegan markii Ciidammadu ay la wareegeen talada hoggaanka dalka, dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Shermarke kaddib.

Intii u dhexeysay Oktoobar 1969 ilaa dhismaha Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (1976da), sharcidejinta dalka waxaa gacanta ku hayay Golihii Sare ee Kacaanka, sida uu qorayay Sharciga lambar 1 ee 21ka Oktoobar 1969.

Golaha Sare ee Kacaanku wuxuu 1dii Luulyo 1976kii ku wareejiyay xilalkii hoggaamineed iyo maamul oo uu dalka u hayay Golihii Siyaasadda ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo lagu dhisay Xaashida Saddexaad ee Kacaanka oo soo baxday 1dii Luulyo 1976da. Gaar ahaan dhinaca sharcidejinta waxaa laga xilsaaray Golaha Siyaasadda ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Golaha Wasiirrada oo wadajir ahaan uga gungaari jiray talooyinka sharci ee la soo hordhigo. Sidaas darteed, muddo ku dhow afar sannadood (1976-1979), sharcidejinta dalka waxaa wadajir ugu xilsaarnaa Golihii Siyaasadda ee XHKS iyo Golihii Wasiirrada.

Xaashidan Saddexaad ee Kacaanku waxay sidoo kale fareysay in muddo shan sannadod gudahood lagu soo saaro Dastuur habaynaya awoodaha dawladda Soomaaliyeed.

Sebtember 1979kii afti laga qaaday Dadweynaha Soomaaliyeed waxay ku oggolaadeen dastuur dalka loo dejiyay oo dhaqangal noqday Sebtember 1979kii.

Dastuurka cusub, qodobkiisa 67aad, wuxuu awoodda sharcidejinta siinayay barlamaan lagu soo doortay si waafaqsan isla dastuurka. Doorashadu ma ayan ahayn mid dhexmaraysay tartamayaal. Waxay ahayd cod kalsooni siin xubno ay soo xuleen Guddi gaar ah, kuwaas laga soo soocay hawlwadeenno iyo shacab loo arkayay inay daacad u yihin danta dalka iyo dadka, dadweynahana waxaa laga codsaday in ay talada hoggaaminta Dalka ee xubnaahaas loo arkay in ay qaadi karaan ay codkooda ku taageeraan ama ku diidaan.

6dii Jennaayo 1980kii waxaa lagu dhawaaqay natiijadii doorashada Golaha Shacabka oo xilka sharcidejinta dalka hayay muddo shan sannadood.

Barlamaankii sidan ku dhismay wuxuu lahaa laba kalfadhi oo socon jiray muddo kooban. Inta u dhexeysa kalfadhiyada, sharcidejinta waxaa qaban jiray guddi la yiraahdo Guddiga Joogtada ah oo ka koobnaa Guddoomiyaha Barlamaanka, kuxigeennadiisa, Xoghayayaasha Barlamaanka iyo 10 Xubnood.

Hawlaha ugu ballaaran oo barlamaanku uu wada jir ahaan u qaban jiray waxay ahyeen ka doodidda iyo oggolaashaha misaaniyad sannadeedka, miisaaniyadda xisaabxirka iyo ansixinta sharciyada Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacbigu meelmariyey inta u dhexeysa labada kalfadhi.

Isla dariiqaddii lagu soo doortay xubnaha Golihii Shacabka ee 1980ka ayaa lagu soo doortay bishii Diseembar 1986kii golihii sharcidejinta labaad ee xilligii Kacaanka, wuxuuna xilka hayay ilaa burburkii dawladda dhexe.

Labada madal sharcidejineed ee xilligii Kacaanka ee doorashada ku yimid (1980-84 iyo 1985-90), xilka guddoonka Golaha Shacabka waxaa qabtay M.ne Ismaaciil Cali Abokor, M.ne Mohamed Ibraahim Axmad “Liiqliiqato” iyo M.ne Xuseen Kulmiye Afrax.

Laga billaabo 1987dii, dalka waxaa ka billowday abaabul ururro iyo jabhado ka soo horjeestay nidaamkii iyo hoggaankii siyaasadeed ee dalka ka jiray. Dalku wuxuu galay marxalad aad u adag oo is-mari-waa ah.

Xalku wuxuu noqday in Soomaaliya loo dejiyo dastuur cusub oo dimoqaraadi ah, fursadna la siiyo dadweynaha in ay doorasho madaxbannaan oo axsaabta badan ku qotonta ku doortaan xildhibaannadooda, taladaasoo ahayd mid ay soojeediyeen odayaal iyo indheergarad magac iyo maamuus ku lahaa Bulshada Soomaaliyeed oo isku dayay dalka in ay burbur ka badbaadiyaan, iyo xattaa dawlado Soomaaliya la saaxib ah oo arkayay halista Dalka ku soo socota.

12kii Oktobar 1990kii waxaa la meelmariyey dastuur cusub oo ka kooban 119 qodob, kuna salaysan guud ahaan mabaadi'dii dastuurka 1960kii.

Nabadgelyada Dalku maalinba maalinta xigta waa ay ka sii daraysay, sidaas darteed suurtagal ma ahayn in afti qaran loo qaado dastuurka cusub. Iyadoo laga rajo qabay in dastuurka cusub uu u gogolxaaro kalsooni dhexmarta hoggaankii dawladda Soomaaliyeed ee markaas jiray iyo mucaaradka, waxaa la isku raacay in dastuurku ku-meelgaar ahaan u dhaqangalo laga billaabo 12ka Oktoobar 1990ka, sannad gudihiisana afti dadweyne loo qaado.

Dastuurkan dambe wuxuu oggolaa jirsiinta nidaamka axsaabta badan wuxuuna dhigayay in la qabto doorashooyin xor ah oo ay ku tartamaan axsaab siyaasi, haddii ay duruuftu oggolaato. Sidoo kale Dastuurku wuxuu farayay in ilaa iyo inta laga dooranayo Golaha Shacabka cusub, xilka sharci-dejinta dalka ay sii hayaan Golihii Shacabka ee markaas jiray isagoo ku shaqaynaya hab buuxa oo loola jeeday in xildhibaannadu ay u gacan bannaanaadaan shaqada sharcidejinta. Waxaa la baabi'iyay awooddii Guddigii Joogtada ahaa ee Golaha oo sharcidejinta u xilsaarnaa inta u dhexeysa kalfadhiyada. Sidoo kale Golayaashii Degaannada ayaa loo idmay in ay hawlahoodii sii wataan ila doorashada cusub.

Himiladii iyo rajadii laga lahaa dastuurkan cusub ma dhaboobin. Jennaayo 1991kii waxaa gebi ahaan burburtay dawladdii dhexe iyo dhammaan hay’adihii (istituzioni) dawladda, ciidan iyo rayadba leh.

Muddadii 23ka sannadood ee ka dambeysay burburkii dawladda Soomaaliyeed waxaa dhismay barlamaanno ku-meelgaar ah oo ku soo dhammaaday dhalashadii baarlamaankeenan rasmiga ah oo aan madashiisa ku jirno.

 

Marka la soo koobo, Soomaaliya (Waqooyi iyo Koofurba), marxalado sharcidejin oo kala duwan ayay soo martay. Soomaaliyada Waqooyi ama Ex-British Somaliland waxay soo yeelatay golayasha soo socda:

- Golaha la dhisay 1959 oo ku salaysnaa sharci la yiraahdo "The Somaliland (Constitution) Order in Council 1959”. Xubnaha goluhu waxay isugu jireen kuwo la soo doortay iyo kuwo ku yimid magacaabid.

- Gole labaad ayaa la dhisay 1960, isna ku salaysnaa isla sharcigii magaciisu ahaa "The Somaliland (Constitution) Order in Council". Golahan wuxuu ku yimid doorasho la qabtay bishii Febrayo 1960, doorashadaasoo ay ka qaybgaleen xisbiyadii Gobolka ka jiray markaas. Xubnaha Goluhu waxay ahaayeen 33 waxaana ku guuleystay saddexda xisbi oo kala ahaa SNL: 20kursi; USP: 12 kursi; NUF: 1 kursi.

Dhinaca koofurna waxaa ka hirgalay golayaasha soo socda:

  • 1951kii ilaa 1956 waxaa dalka laga dhisay golayaal sannadle ahaa oo lagu magacaabi jiray ‘Consiglio Territoriale’.
  • 1956dii waxaa Koonfurta Soomaaliya, markii ugu horreysay, si toos ah dadweynuhu u soo doorteen Gole lagu magacaabi jiray ‘’Assemblea Legislative’’ oo ka kooban 70 xildhibaan: 60 Soomaali ah iyo 10 matisha jaaliyadihii shisheeye ee dalka ku noolaa.
  • 1959kii waxaa la qabtay doorasho labaad. Xubnaha Golaha waxaa la gaarsiiyay 90, dhammaantoodna Soomaali ayay ahaayeen.
  • Luulyo 1960kii, midowgii Soomaaliyadii ku jirtay gacanta Britain iyo Soomaaliyadii ku jirtay maamulka wasaayada talyaaniga waxaa ka abuurmay barlamaan isku dhaf ah oo ka dhismay xildhibaannadii ka hawlgeli jiray labada gobol ee isku darsamay, waxayna noqdeen 123 xildhibaan (90 Koonfurta iyo 33 Waqooyiga).
  • 1964tii doorasho ayaa qabsoontay waxaana lagu soo doortay xildhibaannadii madasha sharcidejinta labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
  • 1969kii sidoo kale doorasho ayaa qabsoontay waxaana lagu soo doortay xildhibaannadii madasha sharcidejinta 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
  • 21kii Oktoobar 1969kii awooddii dalka waxaa la wareegay Ciidammada Qalabka Sida. Sharcidejinta dalka waxaa qabtay Golihii Sare ee Kacaanka iyo Golihii Xoghayayaasha.
  • 1976dii Waxaa la aasaasay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo la wareegay xilkii sharcidejinta dalka.
  • 1979kii dalka waxaa loo dejiyey dastuur. Xilkii sharcidejinta waxaa lagu wareejiyey Gole Shacab dadweynuhu afti qaran ku doorteen. Natiijada aftida waxaa lagu dhawaaqay 6dii Jennaayo 1980kii.
  • Shan sannadood kaddib, ama 1984, doorashadii labaad ee xilligii kacaanka ayaa qabsoontay waxaana lagu soo doortay Gole shacab cusub.
  • Dastuur cusub oo ku qotoma hannaanka dimoqaraadiyadda ayaa la dejiyey Oktoobar 1990. Waxay ahayd doorasho axsaab ku dhisan in la galo muddo sannad gudaheed ah, ilaa waqtigaas laga gaarayana golihii shacabka ee markaas jiray inuu sii wado hawshii sharcidejinta.

Jennaayo 1991kii waxaa burburtay dawladdii Dhexe ee Soomaaliya. Muddadii burburka oo ah ku dhawaad 23 sannadood, golayaal sharcidejin oo ku-meelgaar ah ayay Soomaaliya yeelatay laga billaabo shirkii Carta ilaa barlamaankeenan rasmiga ah ee hadda shaqeeya.

Maamulladii Soomaaliya soo maray, xattaa marka lagu daro kuwii dawladaha Yurub, Soomaalida waa lagala tashan jiray arrimaha u gaarka ah. Degmooyinka waxaa ka dhisnaa golayaal ku magacawnaa “Consigli Distrettuali” oo ka koobnaa nabaddoonno ka soo jeeda beelaha kala duwan ee degmada, culumo, ganacsato iyo waayo-arag kale oo wareysi lala yeelan jiray marka arrin muhim ah tallaabo laga qaadayo. Ha ahaatee laguma tilmaami karo kuwaas golayaal sharcidejin.

Sidaas si le’eg, looma aqoonsan karo golayaashii sannadlaha ahaa ee xilligii Wasaayada Taliyaaniga (AFIS) ee ku magacawnaa “Consiglio Territoriale” in ay ahaayeen golayaal sharcidejin oo matala dawlad Soomaaliyeed inkastoo ay u dhisnaayeen qaab gole sharcidejin, lahaayeenna cod.

Markaan u kuurgalnay soojireenkii qaababkii golayaashii ka ambaqaaday Soomaaliya, waxaa muuqanaya in taxanaha golayaasha sharcidejinta Somaaliya ee dhabta ah uu ka billaabanayo barlamaankii 1956-59. Waxaa aragtidan xoojinaya khudbaddii uu ka jeediyay Xaakimkii Idaariga ee Wasaayadda Taliyaaniga, Ambasciatore Enrico Anzilotti, furitaanka fadhigii 1aad ee madashaas oo qabsoomay 30kii abriile 1956, isagoo hadalkiisa ku billaabay :

“Signor Presidente,
Signori Deputati,
dichiaro aperta la Prima Legislatura dell'Assemblea Legislativa della Somalia”.
(Mudane Guddoomiye, Mudanayaal,
waxaan ku dhawaaqayaa in ay furan tahay Madashii 1aad ee Golaha Sharcidejinta Soomaaliya).

Sidaas darteed, waxaa lagu soo koobi karaa marxaladaha taariikhda sharcidejinta Soomaaliyeed saddexda qaybood ee soo socota:


A) Qaybta 1aad: 1956 ilaa 21ka Oktoobar 1969:


Madashii 1aad: 1956 ilaa 1959

M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan Guddoomiye
M.ne Cabdinuur Maxamed Xuseen Gud/ku-xigeen

Madashii 2aad: 1959 ilaa 1964
A. M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan (30 Juun 1960) Guddoomiye waxaa loo doortay MJS
M.ne Cabduqaadir Maxamed Aadan (Zoppo) Gud/ku-xigeen
B. M.ne Jaamac Cabdullaahi Qaalib Guddoomiye (30 Juun 1960-1964)

Madashii 3aad: 1964 ilaa 1969
A. M.ne Axmed Sheekh Maxamed Cabsiye Guddoomiye (Maajo 1964- 4ta Maarso 1966).
M.ne Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen Gud/ku-xigeen
B. M.ne Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen Guddoomiye (8da Maarso 1966-Maarso 1969)

Madashii 4aad: Abriile 1969 ilaa 21kii Oktoobar 1969.
M.ne Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen Guddoomiye (Maajo 1969-Oktoobar 1969)

Madashii 5aad: 1980 ilaa Maarso 1986;
1. M.ne Ismail Ali Aboukar, 1979 -1982,

Madashii 6aad: Abriile 1986 ilaa Jennayo 1991.
Labada Gole Shacbi waxaa Guddoomiyeyaal u kala noqday:
2. M.ne Maxamed Ibrahim, "Liiq-liiqato", 1982-1988,
3. M.ne Xussen Kulmiye, l989-1991

FG: (tobankii sannadood ee u dhexeeyay Oktoobar 1969 ilaa 1980, dalka kama jirin gole sharcidejineed hab doorasho ama xul ku yimid. Sharcidejinta marxaladdaas gu-daheeda waxaa isaga dambeeyey Golihii Sare ee Kacaanka iyo Golihii Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed)

Fiiro Gaar ah: 1991 ilaa 1999 dalka kama jirin gole sharcidejin oo heer qaran ah. Ha yeeshee laga billaabo 2000 ilaa maanta xilka sharcidejinta waxaa isaga dambeeyey golayaasha soo socda:

Madashii 7aad: (2000-2003)
M.ne Cabdalla Deerow Isaaq Guddoomiye

1. 2000 ila 2003 waxaa Somaaliya ka hirgalay gole sharcidejin oo KMG ah. Waxaa Golahaas lagu dhisay Carta (Djibouti) wuxuna la magac baxay “Transitional National Assembly” oo lagu gaabiyey xarfaha TNA. Waxaa Guddoomiye ka ahaa Mudane Cabdalla Deeroow Isaaq. Tirada xubnaha Golahan waxay ahayd 245. Wuxuu xilka hayay ilaa dhamaadka madasha oo ahayd muddo saddex sannadood (2000-2003).

Madashii 8aad: (2004-2012)

2. Waxaa ku xigay barlamaankii lagu dhisay Mbaghati (Kenya) oo ku magacawnaa “Transitional Federal Parliament” oo ku talagalkiisii hore ahaa inuu jiro 5 sannadood (2004-2009) tirada xubnihiisuna ahayd 275. Waxaa loogu daray 2 sano shirkii dib-u-heshiisiinta Jabuuti iyadoo tiradiisii la labalaabay oo noqotay 550 Xildhibaan. Maadaama lagu guuleysan waayay diyaarinta Dastuur loogu gudbo xilliga ku-meelgaarka muddadii u asteysnayd, waxaa misana loogu daray hal sano shirkii (Kampala Accord) muddo kordhintaas oo ku ekeyd 20kii Agoosto 2012. Guud ahaan muddada madashan waxay noqotay 8 sanadood xilka guddoomiyenimada Madashan waxaa soo kala qabtay:
- M.ne Shariif Xassan Sheekh Aadan : 14 Sep. 2004 ilaa 2007;
- M.ne Sheekh Aadan Maxamad Nuur Madoobe: 21 Jennaayo 2007 ilaa Maajo 2010;
- M.ne Shariif Xassan Sheekh Aadan (mar labaad) : Junyo 2010 ilaa Agoosto 2012

Madashii 9aad: (20ka Agoosto 2012- 2016)

Barlamaanka rasmiga ah ee hadda shaqeeya oo la dhisay 20ka Agoosto 2012, kana kooban 275 xubnood:

Madashii 10aad: (Dec 2016 – Dec 2020)
Madashada 10aad ee Baarlamaanka JFS waxay ka koobneed labada Gole ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.
Golaha Shacabka waxaa uu ka kooban yahay 275, halka Golaha Aqalka Sarena uu ka kooban yahay 54 Xildhibaan.

Xilka Guddoomiyaasha Madashan ayaa kala ahaa sida soo socota:

Golaha Shacabka

1. M.ne Mohammed Sheikh Osman Jawari (Jan 2017 - April 2018).

2. M.ne Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman (30 April 2018 - 14 April 2022)

Aqalka Sare

M.ne Abdi Hashi Abdullahi  (Jan 2017 - 14 April 2022)

 

Madashii 11aad: (14 April 2022 – 14 April 2022)
Madashada 11aad ee Baarlamaanka JFS ayaa ka kooban labada Gole ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.
Golaha Shacabka waxaa uu ka kooban yahay 275, halka Golaha Aqalka Sarena uu ka kooban yahay 54 Xildhibaan.

Xilka Guddoomiyaasha Madashan oo socoto ilaa iyo hadda waxay kala yihiin:

Golaha Shacabka

1. M.ne Sheikh Adan Mohamed Nur (Madoobe) (14 April 2022- 14 April 2026).

Aqalka Sare

M.ne Abdi Hashi Abdullahi  (14 April 2022- 14 April 2026 )

 

Mid kastoo qaybahaas ka mid ah waa uu yeelan karaa taxane u gaar ah. Ha ahaatee kol haddii ay ahaayeen golayaal si joogta ah u hawlgalay, iyagoon loo fiirinin qaabka ay ku dhismeen ama ay ku yimaadeen xubnahoodu, golayaasha Sharcidejinta ee Soomaaliya soo yeelatay waxay qaadan karaan taxane mideysan oo u dhiganta qaabka baarlamaannada caalamka u dhisan yihiin. Sida aan ka arki karno tirsiga taxane ee loo xafido madallada baarlamaannada dhigeena ah ee aduunka waxaa go’aannada ay gaaraan lagu xusaa tirada taxanaha madasha, kalfadhiga, fadhiga, Sanadka iyo go’aanka goluhu gaaray. Maadaama go’aannadii ka soo baxay madalada sharcidejineed ee aan kor ku soo xusnay ay saameyn sharciyeed weli Jamhuuriyadeena ku leeyihiin waxaa lagamaarmaan ah noqotay inaanu xusno tirada taxaha madasheena. Xusidda taxanaha tirada madasha sharcidejineed muujineysa waxay qiraal u tahay in Soomaali leedahay Taariikh dawladnimo soojireen ah mana aha Jamhuuriyad shalay dhalad ah. Waxaa kaloo ay gundhig u noqonaysaa taxane ay ka ambaqaadaan madallada sharcidejineedka mustaqbal iyo raadraaca dhalinyarada hogaanka nagala wareegi doonto iyo jiilalka dambeba. Haddaba, taxanaha sharcidejinta Soomaaliya wuxu noqonayaa sida soo socota:
1. Madashii 1aad: 1956 ilaa 1959
2. Madashii 2aad: 1959 ilaa 1964;
3. Madashii 3aad: 1964 ilaa 1969;
4. Madashii 4aad: Abriile 1969 ilaa 21kii Oktoobar 1969;
5. Madashii 5aad: 1980 ilaa Maarso 1986;
6. Madashii 6aad: Abriile 1986 ilaa Jennayo 1991;
7. Madashii 7aad: Golihii lagu dhisay Carta “TNA” (2000-2003).
8. Madashii 8aad: Baarlamaanka Federaalka KMG 2004-2012
9. Madasha 9aad: Golaha Shacabka JFS hadda shaqeeya oo aan ku-meelgaarka ahayn, dastuur ahaanna wata magaca Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya: (2012-2016).
10. Madasha 10aad: Madasha 10aad oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

11. Madasha 11aad: Madasha 11aad oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

 

Lifaaq: Qaraarka Golaha ee Sugidda taxanayaasha Golayaasha Sharci dajinta Soomaalia