Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Muqdisho:Waxaa Maanta lasoo Gabagabeynayaa Diiwaangelinta Murashaaxiinta u taan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Waxaa maalintii labaad si habsami leh ugu socota xarunta Villa hargeysa diiwaangelinta murashixiintaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyadoo la filayo maanta inay araajidooda keenaan murashixiinta harsan.

Maanta waxaa is diiwaangeliyey oo araajidooda aya ka aqbaleen guddiga qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha ilaa lix musharax waxayna kala yihin:

  1. Xil.Idiris Abdi Taktar
  2. Xil.Sharif Sheik Maye
  3. Xil.Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
  4. Xil.Sharif Mohamed Abdalla Hussein
  5. Xil.Mohamud Moalim Yahya
  6. Xil.Iman Abdullahi Ali.

Waxaana la filayaa in maalinimada beri ay bilaawanto Hadal-jeedinta Murashaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

is diiwaangeliye Murashax Xil Idiris Cabdi Taqtar
Murashax Xil Idiris Cabdi Taqtar
is diiwaangeliye Murashax Xil Iimaan Cabdulaahi Cali
Murashax Xil Iimaan Cabdulaahi Cali
is diiwaangeliye Murashax Xil Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman
Murashax Xil Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman
is diiwaangeliye Murashax Xil Maxamuud Macalin Yaxye
Murashax Xil Maxamuud Macalin Yaxye
is diiwaangeliye Murashax Xil Sharif Maxamed Cabdalla
Murashax Xil Sharif Maxamed Cabdalla
is diiwaangeliye Murashax Xil Sharif Sheekhuna Maye
Murashax Xil Sharif Sheekhuna Maye

Muqdisho:Waxaa Bilowday Diiwaangelinta Murashaaxiinta u taan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Waxaa si habsami leh ugu socdo xarunta Villa hargeysa diiwaangelinta murashixiintaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyadoo ay soo buux dhaafiyeen murashixiinta u tartamaya qabashada xika Gudoomiyaha Golaha.

Ilaa hadda waxaa is diiwaangeliyey oo araajidooda aya ka aqbaleen guddiga qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha ilaa shan musharax waxayna kala yihin:

  1. Ibrahim Issac Yarow
  2. Ali Sheikh Mohamed Nur
  3. Prof. Salim Alio Ibrow.
  4. Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen
  5. Sheikh Aden Mohamed Nur Madoobe

Guddiga ayaa shaqeynaya ilaa 5:00 galabnimo si murashaxiinta looga qabto araajidooda ay kusoo codsanayaan u tartamida qabashada xilka Guddoomiyaha .

Waxaana la filayaa in maalinimada beri ay soo gabagabowdo diiwaangelina murashaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

is daaiwageliye Murashax Xil Ibrahim Isaaq Yarow
Murashax Xil Ibrahim Isaaq Yarow
is diiwangeliye Murashax Xil Sh aadan Madoobe
Murashax Xil Sh aadan Madoobe
is diiwangeliye Murashax Xil Saalim Caliyow Ibrow
Murashax Xil Saalim Caliyow Ibrow
is diiwangeliye Murashax Xil Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen
Murashax Xil Cabdicasiis Xasan Laftagreen
is diiwangeliye Murashax Xil xaaji Cali Maxamed Sh Nur
Murashax Xil xaaji Cali Maxamed Sh Nur

Muqdisho:Waxaa Maanta Bilowday Hadal-jeedinta Murashixiinta U taagan Qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kulanka ay isugu imaadeen Mudnayaasha Golaha Shacabka uu shir gudoominayey Sii hayaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey ayaa waxay qudbadahooda Musharaxnimo ka hor-jeediyeen  Xildhibaanada Golaha Shacabka  Lix Musharax oo ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka  waxayna kala ahaayeen:

  1. Ibrahim Issac Yarow
  2. Ali Sheikh Mohamed Nur
  3. Prof. Salim Alio Ibrow.
  4. Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen
  5. Sheikh Aden Mohamed Nur Madoobe
  6. Idiris Abdi Taktar

Intaas kadib kulanka waxaa soo xiray Sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha waxaana loo balamay in maalinimada beri ah ay khudbadahooda ka horjeedin doonaan murashixiinta haray.

Waa Murashax Xil Cabdicasiis Xasan Laftagreen
Murashax Xil Cabdicasiis Xasan Laftagreen
waa murashax xil Xaaji Cali Sh Maxamed Nuur
murashax xil Xaaji Cali Sh Maxamed Nuur
Waa Murashax Xil Sh Aadan Madoobe
Murashax Xil Sh Aadan Madoobe
Waa Murashax Xil saalim Caliyow Ibrow
Murashax Xil saalim Caliyow Ibrow
waa Musharax Xil Idris Cabdi Taqtar
Musharax Xil Idris Cabdi Taqtar
Waa Murashax xil Ibrahim Isaaq Yarow
Murashax xil Ibrahim Isaaq Yarow

Muqdisho:

Waxaa Maanta Lasoo Gabagabeeyey Hadal-Jeedinta Murashaxiinta U Taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Kulanka ay isugu imaadeen Mudnayaasha Golaha Shacabka uu shir gudoominayey Sii hayaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey ayaa waxaa looga dhageystay Aragti siyaasadeedkooda shan ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxayna kala ahaayeen:

  1. Sharif Sheik Maye
  2. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
  3. Sharif Mohamed Abdalla Hussein
  4. Mohamud Moalim Yahya
  5. Iman Abdullahi Ali

Isniinta soo socoto ayaa la filayaa ay taariikhdu ku beegantahay 30-04-2018 ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyadoo ay u taagan_yihiin 11 Musharax.  

Waa Murashax Xil Iiimaan

   Murashax Xil Iimaan

waa Murasha Xil Maxamuud Macalin yaxye
Murashax xil Maxamuud Macalin
Murashax xil Sharif Maxamed Cabdalla
Murashax xil Sharif Maxamed Cabdalla
Murashax xil Sharif Sheekhuna
Murashax xil Sharif Sheekhuna
Murashax xil Maxamed Mursal
Murashax xil Maxamed Mursal

 

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya