Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan is xog-wareeysi ah la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka BJFS Mudane Shariif Sheekh Axmed. Kulankan ayaa lagu lafaguray xaalada guud ee dalka iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

 

Muqdisho, Juun 11, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka 2-aad ee aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay warbixinta guddiga loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga seddaxaad.


Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa dood ka yeeshay soo-jeedinta guddi hoosaadka loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga 3-aad, iyagoona isku raacay markii ay wax ka bedel ku sameeyaan ajandeynta kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka BJFS, kaas oo ah dhageysiga warbixinnada wasiiradda, la xisaabtanka Xukuumadda iyo Hay'adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah.


Dhanka kale guddiga ayaa si adag uga horyimid hanaanka uu soo maray Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, kaas oo Guddiga Kor-joogteynta iyo La-socodka Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ku wareejiyay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen. Guddiga ayaa isla gartay in Guddoomiyaha guddiga uu dib ugu celiyo nuqulada warbixinta uu maanta la wareegay islamarkaana la soo marsiiyo habraaca gudbinta heshiisyada iyo hindise sharciyeedyada si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS.

 


DHAMMAAD

Guddiga Dastuurka Ee Baarlamaanka JFS oo uu wehliyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa Maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar ee Xarunta Dawlad goboleedka Hirshabelle.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xassan Cawaale Qeyb-diid oo ugu horeyntii kulanka ka hadlay ayaa sheegay Muhiimada Guddiga ay u leedahay Kulamada Noocaan oo kale ah. Guddoomiye qeybdiid ayaa ka qeybgalyaasha kulanka kula dardaarmay in ay talo iyo tusaale ku yeeshaan Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka. Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Masuuliyiin dhowr ah oo kulanka ka qeybagalaya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar. Ugu danbayntii Guddiga Dastuurka ayaa inta uu joogo Magaalada Jowhar ayaa waxa uu kulamo la yeelan doono Masuuliyiinta Maamulka Hirshabelle iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiilada

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya