Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Muqdisho: Maanta oo sabti ah waxaa Xarunta Villa Hargeysa lagu dhaariyay wasiiradii dhawaan uu soo magacaabay Ra'isul wasaare xasan Cali Kheyre Waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman, Labadiisa Ku Xigeen iyo Ra'isul wasaare ku xigeenka Dalka Mne. Mahdi Maxamed Guueed Khadar.

Dhaarinta kadib ayuu gudoomiye Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman kula dardaarmay Wasiirada in ay u dhaga nuglaadaan la xisaabtanka guddiyadda Baarlamaanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirada.

waa guddoomiye mursal iyo R/W ku xigeen mahdi
guddoomiye mursal ,gudd Muudey iyo R/W ku xigeen Mahdi
waa wasiirada cusub
wasiirada cusub
waa dhaarinta wasiirada cusub
dhaarinta wasiirada cusub
waa dhaarinta wasiirada cusub1
dhaarinta wasiirada cusub1
Muqdisho:Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa doortay Guddoonkooda Cusub. Kulankii ugu horeeyey ay isku imaadeen Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay kasoo qeybgaleen sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad. Intaas kadib waxaa la guda galay codeynta guddoonka waxaana loo doortay xubnaha soo socdo: Guddoomiyaha Guddiga Xil.Nuur Iidow Beyle sidoo kale waxaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xil. Sahro Cabdulqaadir Cabduraxmaan Xoghaya guddigana waxaa loo doortay Xil. Xasan Cali Maxamed (Amardambe). Intaas kadib kulankii waxaa soo xiray sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wuxuuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga iyo Guddoonkooda inay dardargeliyaan Howlaha Horyaala.
© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya