Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Muqdisho:

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaiya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh ayaa maanta Soo Xiray Shirweynaha Qaran ee geeddi socodka Dib U eegista Dastuurka, oo socday Muddo Seddex Cisho ah. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta Dalka ugu sareysa Raisul wasaaraha Dalka mudane Xasan Cali Kheyre wasiiro iyo sidoo kale madax ka kala socda maamul Goboleedyada dalka Marti sharaf iyo masuuliyiin Dhowr ah. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka ayaa ujeedkiisa ahaa Geedi socodka Dib u eegista Dastuurka ayaa waxaa soo xiray Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuuna kula dardaarmay wasaaradda iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib u eegsita  iyo Guddiga Lasocodka Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan Howsha Dhameystirka Dastuurka qabyada ah Mudada loo cayimay.

Guddiga Dastuurka Ee Baarlamaanka JFS oo uu wehliyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa Maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar ee Xarunta Dawlad goboleedka Hirshabelle.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xassan Cawaale Qeyb-diid oo ugu horeyntii kulanka ka hadlay ayaa sheegay Muhiimada Guddiga ay u leedahay Kulamada Noocaan oo kale ah. Guddoomiye qeybdiid ayaa ka qeybgalyaasha kulanka kula dardaarmay in ay talo iyo tusaale ku yeeshaan Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka. Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Masuuliyiin dhowr ah oo kulanka ka qeybagalaya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar. Ugu danbayntii Guddiga Dastuurka ayaa inta uu joogo Magaalada Jowhar ayaa waxa uu kulamo la yeelan doono Masuuliyiinta Maamulka Hirshabelle iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiilada

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya