Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan is xog-wareeysi ah la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka BJFS Mudane Shariif Sheekh Axmed. Kulankan ayaa lagu lafaguray xaalada guud ee dalka iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

 

Muqdisho, Juun 09, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Sharciga Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed.


Kulanka waxaa goob joog ahaa Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow. Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xaange, oo warbixin ka siiyay Golaha Shacabka ayaa sheegay in sharciga uu nidaaminaayo qaab-howleedka mihnadda xirfadlayaasha xisaabiyaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka dooday Sharciga Hay'adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed ee hadii sharcigeeda la ansixiyo la dhisi doono xirfadlayaal sarre oo ka shaqeeya xisaabaadka Dowladda ayaa waxay sheegeen in sharcigan uu leeyahay muhiimad gaar ah la marsiiyo guddiga maaliyadda si ay u soo turxaan bixiyaan, shaqada iyo habraaca loogu baahan yahay.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedkan Hay'adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed lagu wareejiyo Guddiga Maaliyadda si loo marsiiyo habriicii looga baahnaa, ka dibna ay dib ugu soo celiyaan fadhiga Golaha Shacabka si ay waajibaadkooda ugu gutaan Xildhibaannadda.

 

DHAMMAAD

Hon. Abdullahi Omar Abshir

Second Deputy Speaker of the House

Constituency: Southwest State 

MemberNo : HOP#152

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Phone : +252615150639

Muqdisho:

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka oo maanta Kormeeray Qeybaha Xarunta Golaha Shacabka ay ka koobantahay

Mudane Maxamed Mursal sheekh cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Maanta waxa uu booqasho Ku tagay Xarunta Golaha Shacabka isagoo sidoo kale kormeeray Xafiisyada kala duwan ee uu ka koobanyahay Xarunta.

 Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa intaas kadib waxa uu Ku soo wareegay guud ahaan Xarunta Golaha Shacabka asigoo mid mid u kor istaagay dhismayaasha ay ka koobantahay Xarunta, Guddoomiyaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehlinaayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

 Intaas kadib ayaa waxa uu La kulmay Guddoomiyaha Howlwadeenada Golaha Shacabka asigoo bogaadiyay howsha ay u hayaan Dalkooda iyo Dadkooda waxa uuna Ku dhiira galiyay in ay sii dardar galiyaan howsha ay Qaranka u hayaan sidoo kalena ay muujiyaan xilkasnimo iyo dulqaad dheeri ah,Waxa uuna sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka in ay yeelan doonto Golaha Shacaabka xarun caafimaad oo u gaar ah si ay Howlwadeenada Golaha Shacabka ugu adeegto si ay u helaan daryeel caafimaad.

Guddoomiye Maxamed Mursal “ Golaha Shacabka waxa uu yeelanaya Xarun Caafimaad oo u gaar ah”.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu La kulmay Agaasimayaasha iyo maamulka guud ee Golaha Shacabka isagoona warbixino ka dhageysatay kuna booriyay in la muujiyo howl karnimo iyo hufnaan.

Muqdisho:Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS ayaa loo doortay Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan.

Waxaa maanta Kulan isugu yimid Xarunta Golaha Shacabka Mudanayaasha Golaha Shacabka,kulankaas oo uu shir gudoominayey sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Cabdiweli Ibrahim Shekh Muudeey ayaa waxaa lagu doortay Guddoomiye cusub.

Waxaa ku tartamayey ilaa 11 musharax waxayna kala ahaayeen:

  1. Idiris Abdi Taktar
  2. Sharif Sheik Maye
  3. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
  4. Sharif Mohamed Abdalla Hussein
  5. Mohamud Moalim Yahya
  6. Iman Abdullahi Ali.
  7. Ibrahim Issac Yarow
  8. Ali Sheikh Mohamed Nur
  9. Prof. Salim Alio Ibrow.
  10. Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen
  11. Sheikh Aden Mohamed Nur Madoobe

 halka uu tanaasulay Musharax Sh aadan Maxamed Nuur Madoobe intaan la geli codeynta Wareega 1aad,intaas kadib waxaa la guda galay codeynta wareega 1aad waxaana isugu soo haray ilaa 10 musharax waxayna kala ahaayeen:

  1. Idiris Abdi Taktar
  2. Sharif Sheik Maye
  3. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
  4. Sharif Mohamed Abdalla Hussein
  5. Mohamud Moalim Yahya
  6. Iman Abdullahi Ali.
  7. Ibrahim Issac Yarow
  8. Ali Sheikh Mohamed Nur
  9. Prof. Salim Alio Ibrow.
  10. Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen

Waxaa kasoo gudbay wareega 1aad musharixiinta kala ah : Xil.Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen oo helay 54 Cod,Xil.Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman oo helay 83 Cod, Xil.Sharif Mohamed Abdalla Hussein oo helay 19 Cod, Xil.Ibrahim Issac Yarow oo asigane helay 69 Cod.

Waxaa tanaasulay Xil.Sharif Mohamed Abdalla Hussein iyo .Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen,kadib waxaa loo gudbay wareega 3aad maadaama wareega 2aad ay tanaasuleen labo musharax.

Waxaa la guda galay codeynta wareega 3aad ay isugu soo hareen labada musharax oo kala Xil.Ibrahim Issac Yarow iyo Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman.

Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha ayaa Soo saaray Jadwal Howleedka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Kulan ay isugu yimadeen Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha oo shir gudoominayey Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxa ay soo saaren jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha iyo shuruudaha laga rabo Murashixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha.

Sida ku cad jaantuska hoos ku Xusan:

waa jadwalka doorashada guddomiyaha
jadwalka doorashada guddomiyaha

Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga Waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiya Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (jawaari) iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga.

kulankan ay wada yesheen jaaliyadda soomaaliyeed ee Turkiga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa Howlaha balaaran ay jaaliyada Soomaaliyeed u hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Turkiga .

Mudane Maxamed Shiiq Cusmaan (jawaari) ayaa Jaaliyadda ku amaanay doorkii ay ka qaateen dhawacyadii Qaraxii 14-ka Oktoober iyo sidii ay dhaqaalaha isaga soo aruuriyeen si ay u dhamaystiraan baahiyaha Dadkii isbitaalada ku jiray,isagoo Jaaliyadda ku dhaqan dalka Turkiga ku booriyay in ay wanaagana kaga daydaan shacabka Turkiga.

Guddoomiayaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aad ugu amaanay Dawladda iyo shacabka Turkiga sida ay had iyo jeer u garab istaaganyihiin Dawlada soomaaliya iyo Shacabkeeda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa u ugu mahadceliyay gudoomiyaha Golaha shacabka fursada uu siiyay, iyagoo u balan qaaday in ay ka shaqayn donaan wada-jirka Soomaalida ku dhaqan dalka Turkiga .

Gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee Turkiga Shiiq maxamed ayaa gudoonsiiyay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari shahaado sharaf, taasoo ka turjumaysa shaqada adag ee uu bulshada u hayo iyo marxaladii adkeyd ee uu gudomiyaha ku shaqaynayay.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya