Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga 4-aad, Kulanka waxaa soo xaadiray 165 Xildhibaan, waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha shacabka ayaa goobjoog ka ahaa kulanka, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay dhowr hindise sharciyeed kuwaasi oo kala ah:

1. Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga.

2. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga LR-11 ee soo baxay sanadkii 2006-dii ee shaqaalaha rayidka.

3. Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Naafada.

4. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga hanta dhowrka guud ee LR-kiisu yahay 34, kaasoo soo baxay 14-kii 4-aad sanadkii 1972-dii.

5. Warbixinta Xisaab xirka dowladda ee sanadka 2017.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanada u jeediyay warbixin ku saabsaneyd qorshe howleedka Golaha Shacabka mudada uu furan yahay Kalfadhiga 4-aad.

Muqdisho:

Xafladaan oo ay ka qeybgaleen Masuuliyiinta Dalka oo uu ka midyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ,Ra'isul wasaaraha Xukuumadda JFS,Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi xaashi Cabdulaahi, Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabelle, Galmudug,Guddoomiyayaasha wakiilada Maamul Goboleedyada dalka Danjirayaasha Caalamka oo ugu horeeya Danjiraha Qaramada Midoobay,Danjiraha Turkiga,Danjiraha Itoobiya iyo wakiilo ka socday wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya iyo Guddoonka Golayaasha Xeer-dajinta dalka iyo Marti-sharaf Badan oo lagu Casuumay Xaflada Caleema-saarka.

Kulanka oo ugu horeyntii uu ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim sh.Muudeey ayaa ka qeybgalayaasha Xaflada kusoo dhaweeyay goobta ugana Mahad-celiyay ka qeybgalka Munaasabada.

Sidoo kale waxaa khudbad ka jeediyey munaasabadaas Madaxweynaha JFS asigoo ku amaanay sida Hufnaanta leh ay u doorteen Guddoomiyaha Cusub wuxuuna kula Dardaarmay inay dardargeliyaan howlaha horyaala Golaha oo ay ugu horeeyaan Hindise-Sharciyeedyo dalka muhiim u ah iyo inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Dhamaan Masuuliyiintii ka qeybgalayay kulanka ayaa ugu duceeyay Guddoomiye Maxamed Mursal in uu Alle la garabgalo Xilka Culus ee loo doortay.

Ugu danbayntii waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan ayaa u Mahadceliyay Dhamaan ka qeybgalayaasha Munaasbada Caleema saarka waxa uuna balanqaaday in uu ka shaqayndoono wadajirka Golayaasha Xeerdejinta Dalka.

Muqdisho:Waxaa Maanta lasoo Gabagabeynayaa Diiwaangelinta Murashaaxiinta u taan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Waxaa maalintii labaad si habsami leh ugu socota xarunta Villa hargeysa diiwaangelinta murashixiintaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyadoo la filayo maanta inay araajidooda keenaan murashixiinta harsan.

Maanta waxaa is diiwaangeliyey oo araajidooda aya ka aqbaleen guddiga qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha ilaa lix musharax waxayna kala yihin:

  1. Xil.Idiris Abdi Taktar
  2. Xil.Sharif Sheik Maye
  3. Xil.Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
  4. Xil.Sharif Mohamed Abdalla Hussein
  5. Xil.Mohamud Moalim Yahya
  6. Xil.Iman Abdullahi Ali.

Waxaana la filayaa in maalinimada beri ay bilaawanto Hadal-jeedinta Murashaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

is diiwaangeliye Murashax Xil Idiris Cabdi Taqtar
Murashax Xil Idiris Cabdi Taqtar
is diiwaangeliye Murashax Xil Iimaan Cabdulaahi Cali
Murashax Xil Iimaan Cabdulaahi Cali
is diiwaangeliye Murashax Xil Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman
Murashax Xil Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman
is diiwaangeliye Murashax Xil Maxamuud Macalin Yaxye
Murashax Xil Maxamuud Macalin Yaxye
is diiwaangeliye Murashax Xil Sharif Maxamed Cabdalla
Murashax Xil Sharif Maxamed Cabdalla
is diiwaangeliye Murashax Xil Sharif Sheekhuna Maye
Murashax Xil Sharif Sheekhuna Maye

Muqdisho:

Kulankii mudanaaysha Golaha Shacabka ay Maanta ku lahaayeen Xarunta Golaha ayaa Goordhow lasoo Gaba-gabeeyay

Mudanayaasha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka , kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:

  1. Dhaarin Xildhibaan Cabdullahi faarax Wehliye
  2. Ku Dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaah Shacabka

Guddoomiye Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, Intaas kadib waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaha Shacabka  wuxuuna kula dardaarmay Guddiga in ay howshooda kusoo gabagabeeyaan mudada u harsan ee Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka uu xeeriyey.

Waxaana kulanka  soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey.

Xafiiska Warfaafinta Golaah Shacabka.

waa warqada Xubnaha Guddiga Doorashada GSH
Xubnaha Guddiga Doorashada GSH
© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya