Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Muqdisho:kulan ay isugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka Xildhibaanada Golaha Ayaa Maanta looga Dooday wabixinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida Iyo Howlgabka ay soo diyaariyeen Guddiga Difaaca Golaha Shacabka waxaana ka hor akhriyey warbixinta Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Sadiiq warfaa, sidoo kale waxaa kaloo looga hadlay Warbixin Ku Saabsan Duufaanada Xeebaha Soomaaliya Waxaana Shir Gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Ku Xigeenadiisa.

Muqdisho:

Xildhibaanada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Ajandeha Kulankoodi 8aad ee Kalfadhigiisa Seddexad Waxay Uga Hadleen Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Shirkadaha ee Soomaaiya ay soo gudbisay wasaaradda ganacsiga & Warshaadaha Iyadoo uu ka hor akhriyey xildhibanada Wasiirka Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Intaas kadib ayaa xildhibaanaada su’aalo ka weydiiyey waxa uu qaban doono sharcigan iyo meel qaaar oo u baahnaa sixitaan iyo wax ka bedel.

Ugu dambeyntii kulanka ayaaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha shacabka wuxuuna ku wargeliyey Xoghayaha Guud in uu ku wareejiyo Hindise Sharciyeedkan Guddiga u qaabilsan siday ugu soo baaraan degaan uguna soo sameeyan wax ka bedel kadibn ay kusoo celiyaana Golaha.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya