Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Muqdisho:

Xafladaan oo ay ka qeybgaleen Masuuliyiinta Dalka oo uu ka midyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ,Ra'isul wasaaraha Xukuumadda JFS,Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi xaashi Cabdulaahi, Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabelle, Galmudug,Guddoomiyayaasha wakiilada Maamul Goboleedyada dalka Danjirayaasha Caalamka oo ugu horeeya Danjiraha Qaramada Midoobay,Danjiraha Turkiga,Danjiraha Itoobiya iyo wakiilo ka socday wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya iyo Guddoonka Golayaasha Xeer-dajinta dalka iyo Marti-sharaf Badan oo lagu Casuumay Xaflada Caleema-saarka.

Kulanka oo ugu horeyntii uu ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim sh.Muudeey ayaa ka qeybgalayaasha Xaflada kusoo dhaweeyay goobta ugana Mahad-celiyay ka qeybgalka Munaasabada.

Sidoo kale waxaa khudbad ka jeediyey munaasabadaas Madaxweynaha JFS asigoo ku amaanay sida Hufnaanta leh ay u doorteen Guddoomiyaha Cusub wuxuuna kula Dardaarmay inay dardargeliyaan howlaha horyaala Golaha oo ay ugu horeeyaan Hindise-Sharciyeedyo dalka muhiim u ah iyo inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Dhamaan Masuuliyiintii ka qeybgalayay kulanka ayaa ugu duceeyay Guddoomiye Maxamed Mursal in uu Alle la garabgalo Xilka Culus ee loo doortay.

Ugu danbayntii waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan ayaa u Mahadceliyay Dhamaan ka qeybgalayaasha Munaasbada Caleema saarka waxa uuna balanqaaday in uu ka shaqayndoono wadajirka Golayaasha Xeerdejinta Dalka.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya