Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Muqdisho:

Xafladaan oo ay ka qeybgaleen Masuuliyiinta Dalka oo uu ka midyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ,Ra'isul wasaaraha Xukuumadda JFS,Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi xaashi Cabdulaahi, Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabelle, Galmudug,Guddoomiyayaasha wakiilada Maamul Goboleedyada dalka Danjirayaasha Caalamka oo ugu horeeya Danjiraha Qaramada Midoobay,Danjiraha Turkiga,Danjiraha Itoobiya iyo wakiilo ka socday wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya iyo Guddoonka Golayaasha Xeer-dajinta dalka iyo Marti-sharaf Badan oo lagu Casuumay Xaflada Caleema-saarka.

Kulanka oo ugu horeyntii uu ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim sh.Muudeey ayaa ka qeybgalayaasha Xaflada kusoo dhaweeyay goobta ugana Mahad-celiyay ka qeybgalka Munaasabada.

Sidoo kale waxaa khudbad ka jeediyey munaasabadaas Madaxweynaha JFS asigoo ku amaanay sida Hufnaanta leh ay u doorteen Guddoomiyaha Cusub wuxuuna kula Dardaarmay inay dardargeliyaan howlaha horyaala Golaha oo ay ugu horeeyaan Hindise-Sharciyeedyo dalka muhiim u ah iyo inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Dhamaan Masuuliyiintii ka qeybgalayay kulanka ayaa ugu duceeyay Guddoomiye Maxamed Mursal in uu Alle la garabgalo Xilka Culus ee loo doortay.

Ugu danbayntii waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan ayaa u Mahadceliyay Dhamaan ka qeybgalayaasha Munaasbada Caleema saarka waxa uuna balanqaaday in uu ka shaqayndoono wadajirka Golayaasha Xeerdejinta Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Masuuliyiinta Shirkadda Dhismaha iyo Hormarinta ee Tika oo uu wehliyo Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Amb. Olgan Bekar ayaa Maanta kala saxiixday heshiis laba dhinac ah oo ku Aadan Dhismaha Xarunta Baarlamaanka JFS iyo Xarun kumeel-gaar ah oo dhawaan lafilayo in uu bilowdo Dhismaheeda.

Mashruucaan oo dhismihiisa ku baxaayo malaayiin doolar ayaa Mas,uuliyiinta Shirkada Hormarinta ee Tika Waxay balanqaadeen inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dardargelin doonaan dhisamaha Golaha iyo xarunta Kumeel-Gaarka ee Villa Hargeysa.

Dhismahaas ay balanqaadeen Hey’ada Hormarinta ee TIKA ayaa wuxuu qeyb weyn ka qaadan doonaa Howlaha Golaha Shacabka iyo Bilicda Caasimada.

Dadaalkaan loogu jiro in lagu dhiso xarunta Golaha Shacabka ayaa wuxuu soo maray maraaxil kala gedisan iyadoo Guddoonka Golaha Shacabka oo xoog saaray ka gun gaaridda iyo bilic usoo celinta Guriga Ummadda.

 

 

Sawiro
Sawiro
sawiro
Xarunta Kumeel gaarka Villa Hargeysa
© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya