Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Muqdisho:Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa doortay Guddoonkooda Cusub. Kulankii ugu horeeyey ay isku imaadeen Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay kasoo qeybgaleen sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad. Intaas kadib waxaa la guda galay codeynta guddoonka waxaana loo doortay xubnaha soo socdo: Guddoomiyaha Guddiga Xil.Nuur Iidow Beyle sidoo kale waxaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xil. Sahro Cabdulqaadir Cabduraxmaan Xoghaya guddigana waxaa loo doortay Xil. Xasan Cali Maxamed (Amardambe). Intaas kadib kulankii waxaa soo xiray sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wuxuuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga iyo Guddoonkooda inay dardargeliyaan Howlaha Horyaala.
© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya