Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Muqdisho:

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka oo maanta Kormeeray Qeybaha Xarunta Golaha Shacabka ay ka koobantahay

Mudane Maxamed Mursal sheekh cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Maanta waxa uu booqasho Ku tagay Xarunta Golaha Shacabka isagoo sidoo kale kormeeray Xafiisyada kala duwan ee uu ka koobanyahay Xarunta.

 Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa intaas kadib waxa uu Ku soo wareegay guud ahaan Xarunta Golaha Shacabka asigoo mid mid u kor istaagay dhismayaasha ay ka koobantahay Xarunta, Guddoomiyaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehlinaayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

 Intaas kadib ayaa waxa uu La kulmay Guddoomiyaha Howlwadeenada Golaha Shacabka asigoo bogaadiyay howsha ay u hayaan Dalkooda iyo Dadkooda waxa uuna Ku dhiira galiyay in ay sii dardar galiyaan howsha ay Qaranka u hayaan sidoo kalena ay muujiyaan xilkasnimo iyo dulqaad dheeri ah,Waxa uuna sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka in ay yeelan doonto Golaha Shacaabka xarun caafimaad oo u gaar ah si ay Howlwadeenada Golaha Shacabka ugu adeegto si ay u helaan daryeel caafimaad.

Guddoomiye Maxamed Mursal “ Golaha Shacabka waxa uu yeelanaya Xarun Caafimaad oo u gaar ah”.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu La kulmay Agaasimayaasha iyo maamulka guud ee Golaha Shacabka isagoona warbixino ka dhageysatay kuna booriyay in la muujiyo howl karnimo iyo hufnaan.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya