Muqdisho:
Kulankii mudanaaysha Golaha Shacabka ay Maanta ku lahaayeen Xarunta Golaha ayaa Goordhow lasoo Gaba-gabeeyay
Mudanayaasha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka , kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey
Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:
Guddoomiye Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, Intaas kadib waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaha Shacabka wuxuuna kula dardaarmay Guddiga in ay howshooda kusoo gabagabeeyaan mudada u harsan ee Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka uu xeeriyey.
Waxaana kulanka soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey.
Xafiiska Warfaafinta Golaah Shacabka.