Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga 4-aad, Kulanka waxaa soo xaadiray 165 Xildhibaan, waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha shacabka ayaa goobjoog ka ahaa kulanka, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay dhowr hindise sharciyeed kuwaasi oo kala ah:

1. Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga.

2. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga LR-11 ee soo baxay sanadkii 2006-dii ee shaqaalaha rayidka.

3. Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Naafada.

4. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga hanta dhowrka guud ee LR-kiisu yahay 34, kaasoo soo baxay 14-kii 4-aad sanadkii 1972-dii.

5. Warbixinta Xisaab xirka dowladda ee sanadka 2017.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanada u jeediyay warbixin ku saabsaneyd qorshe howleedka Golaha Shacabka mudada uu furan yahay Kalfadhiga 4-aad.

Muqisho:

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta la kulmay qaar ka mid ah guddiyada joogtada ee golaha shacabka.

Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta guddoonka iyo guddiyada joogtada ee Villa Hargeysa.

Guddiyada uu la kulmay guddoomiye Maxamed Mursal ayaa waxaa ka mid ah guddiga difaaca ee golaha iyo guddiga dib u heshiisiinta.

Waxa ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta guddoomiyaha cusub iyo guddiyada joogtada.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleyn sidii loo dardar gelin lahaa howlaha muhiimka ee golaha horyaalla iyo sidii hala dhinac loogu noqon lahaa hormarinta golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa warbixin la xiriirta shaqooyinka guddiyada iyo howlaha hada horyaalla ka dhageystay masuuliyiinta guddiyada.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dardaarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa wasaaraha ay shaqo wadaagayihiin.

Dhanka kale waxaa maanta si rasmi ah u bilowday dhismaha Xarunta KMG ee golaha shacabka uu ku sii shaqeynayo inta laga dhisayo Xarunta weyn ee golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa si rasmi ah u daah furay dhismaha lagu sameynayo xarunta KMG ee Golaha shacabka ku sii shaqeynayo.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay howl wadeenada iyo Injineerada loo xil saaray dhismaha xaruntan in ay waqtiga loogu tala galay ku dhameeyaa dhismaha.

Xarunta maanta dhismaha lagu bilaabay ayaa ah Xarunta Villa Hargeysa waxa ayna noqoneysaa xarunta KMG ee golaha shacabka.

Marka la dhameeyo dhismaha xaruntan ayaa Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay usoo wareegayaan xaruntan waxaana dhismo lagu bilaabaya xarunta weyn ee golaha shacabka.

Muqdisho:

Kulankii mudanaaysha Golaha Shacabka ay Maanta ku lahaayeen Xarunta Golaha ayaa Goordhow lasoo Gaba-gabeeyay

Mudanayaasha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka , kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:

  1. Dhaarin Xildhibaan Cabdullahi faarax Wehliye
  2. Ku Dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaah Shacabka

Guddoomiye Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, Intaas kadib waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaha Shacabka  wuxuuna kula dardaarmay Guddiga in ay howshooda kusoo gabagabeeyaan mudada u harsan ee Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka uu xeeriyey.

Waxaana kulanka  soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey.

Xafiiska Warfaafinta Golaah Shacabka.

waa warqada Xubnaha Guddiga Doorashada GSH
Xubnaha Guddiga Doorashada GSH

 

Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa maanta isugu yimid xarunta Golaha shacabka kulankoodi ugu horeeayay,kadib fasax ay ku maqnaayeen iyadoo uu dhawaan furay Kalfadhiga 3-aad Madaxweynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduulaahi Maxamed Farmaajo. Kulankii ay maanta isugu yimaadeen mudanaaysha Golaha Shacabka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari, oo ay hareer fadhiyeen labadiisa ku xigeen iyadoo sidoo kalena kulankaan ay soo xadireen xildhibaano tiradoodu gaareysa 170 mudane, ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa:

  1. Doodda Heshiiska Shirkadda Dubai Port World ee dekedaha Soomaaliya
  2. Qaybinta warbixinta wax ka bedelka Xeer Hoosadka Golaha Shacabka
  3. Qaybinta Miisaaniyadda 2018 ee Golaha Shacabka ansixiyay

Waxay mudanayaasha Golaha Shacabka u codeeyeen Xeerka Dhowridda Gobonimada iyo Midnimada gayiga Soomaaliyeed. Waxaa xeerkaan ogol ugu codeeyay 168 mudane waxaa sidoo kale ka aamusay hal mudane, halka hal mudane kale uu diiday. Intaas kadib ayaa mudanayaasha golaha shacabka waxaa loo qeybiyay “Doodda Heshiiska Shirkadda Dubai Port World ee dekedaha Soomaaliya” si ay u soo akhristaan aynadib isugu soo laabtaan dooddeeda. Gabagabadii kulanka ayaa waxaa soo xiray Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Cabdi Wali Ibraahim sh. Muudeey

Xafiiska Warfaafinta Golaha Shacabka

 

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya