Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

 
Muqdisho, Febraayo 23, 2023: Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa guddoomisey kulanka 17aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayadoo uu goobjoog yahay Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka M.ne Cabdullaahi Cumar Abshirow.
 
Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhammeystirka sharciyada hortabinta u leh Golaha inta ka hartay kalfadhiga 2aad, waxaana la isku raacay in la dardargaliyo sharciyada horyaala Golaha Shacabka.
 
 
Baqdaad, 24, Febraayo,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo xalay gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).
 
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo dalkaasi uga qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta ayaa loo gudbiyey hoyga martida waxaana ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhigiisa uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Xoghayaha guud ee Golaha Shcabka Baarlaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) oo loo doortay Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Carabta ayaa ka qeyb galay Kulanka 42-aad ee Golaha Xoghayayaasha guud ee Baarlamaannada Carabta.
Kulankan oo barbar socday meerteeda 34-aad ee Baarlaannadda Carabta oo socon doona Febraayo 25-26, ayaa Xoghayeyaasha waxa ay iska doorteen sedex xubnood oo guddiga fulinta ka mid ah, waxaana xubnahaasi ka mid noqon doona Soomaaliya, Al Jeeriya iyo Ciraaq.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho,25,02,2023: Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 22-aad ee Golaha Shacabka BJFS Oo Ajandihiisu ahaa;
  1. Akhrinta 1-aad iyo Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
  2. Kadoodista warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Aqoonisga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
  3. Kadoodista warbixinta Akhrinta 2aad Handise Sharciyeedka Socdaalka.
  4. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad Hindise Sharciyeedyada Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xildhibaanada ka hor aqriyey sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
 
Wasiirka ayaa fadhiga xildhibaanada la wadaagay faahfaahin iyo sharaaxaad ku saabsan wax kabadalka lagu sameeyey sharcigaan asigoona sheegay in uu muhiim u yahay dalka iyo dadka soomaliyeed wasiirka ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay meelmariyaan sharcigaan Intaasi kadib xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay sharcigaan ayagoona iftiimiyay qodabada ku jira sharcigan oo muhiim u ah dadka soomaliyeed dooda xildhibaanada kadib Guddoomiyaha ayaa faray kusimha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Ahana Xoghaye ku xigeenka Mudane.Maxamed cabdulahi cabdi(ciyow) in uu ku wareejiyo sharcigaan Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda BJFS si ay ugu soo shaqeyaan.
Intaasi kadib xildhibaanada ayaa dood adag oo toosan iyo turxaan bixin ah ka yeeshay labada sharciyada kala ah:
  • Hindise Sharciyeedka Aqoonisga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha; iyo
  • Handise Sharciyeedka Socdaalka.
Ugu dambeyntii Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka, asigoona sheegay in kulankaan kulankiisa xiga inay dhameeystiri doonaan dooda ku saabsan Handise Sharciyeedka Socdaalka.
 
 
 
 
 
 
Baqdaad, 25 Febraayo, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya M.ne Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq uga qayb galay meertada 34-aad ee Midowga Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
 
Shirweynaha afar iyo soddonaad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo maanta ka furmay magaalada Baqdaad ayaa looga hadlay taageerada Carabta si kor loogu qaado xasiloonida iyo madax banaanida dalka Ciraaq, iyadoo madaxdu ay isla eegeen guddiga fulinta go’aamadii ka soo baxay shirweynihii 32aad iyo Shirweynihii 33aad ee deg-degga ahaa, arrimaha maaliyadda, xisaabta kama dambaysta ah ee sanadka 2022-kii iyo barnaamijka qabyo-qoraalka barnaamijka shaqada.
 
Madaxda shirka ka qeyb gashay qaarkood ayaa soo jeediyay in la taageero codsiga ah in qodob degdeg ah lagu daro ajandayaasha golaha guud ee 146-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka ee uu soo gudbiyay Golaha Shuurada ee Dawladda Qatar, oo wakiil ka ah Kooxda Baarlamaanka Carabta, oo cinwaankeedu yahay In la dambiyo quursiga diinta, ku xad-gudubka goobaha cibaadada iyo xurmada, faafinta nacaybka dadyowga dhexdooda, iyagoo ku baaqay in la horumariyo qiimaha wada-noolaanshaha, dulqaadka, nabadda iyo amniga caalamiga ah.
 
Shirka ayaa sidoo kale maanta looga hadlay In la sameeyo wafdi ka socda Midowga Baarlamaanka Carabta oo booqasho ku taga walalaha Suuriya, isla markaana la caddeeyo taageerada iyo garab istaaga dowladda iyo shacabkeeda.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Cumar Abshiroow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 10-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa
 
1.Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman
2.Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.
3.Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
 
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amnigga Gudaha Xil. Mohamed Ali “Xagaa’ ayaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka ka hor akhriyay Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.
Intaasi kadib Xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay Hindise Sharciyeedka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Arkatiyo kala duwan oo ay xildhibaanada kadhiibteen kadib Guddoomiye ku xigeenka 2aaad ee golaha shacabka oo shir Guddoominayay kulanka ayaa Xoghayaha guud ee Golaha faray in sharcigaan lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamuladda Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS, si ay ugu soo diyaariyaan aqrinta labaad ee sharcigaaan.
 
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay Akhrinta 2-aad ee Xildhibaanada ayaa doodooda u badneyd toosin, wax ku darid iyo wax kabadal.
Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada oo ku amaanay xildhibaanada BJFS shaqada adag iyo dooda ay ka yeesheen sharcigaaan ayaaa ka codsaday in ay anisxiyaaan maadaama xildhibaanada intooda badani ay dooddoodu ay ku saleysneeeyd in waxtar uu u leeyahay sharcigaan dalka intaas kadib Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS ayaa cod galiyay sharcigaaan waxaana u codeeyay 140 xildhibaan waxaana diiday 3 xildhibaan wax ka aamusayna majiro.
 
Intaas kadib Wasiirka wasaarada arimha Gudaha XFS  ayaa Mudunayaasha ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha
Waxa uuna sheegay in muhiimad weeyn uu uleeyahay dalka sharcigaan Xildhibaabadana looga baahanyahy in ay meel mariyaan.
 
Ugu danbeeyntii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  oo shir Guddoominayay kulanka ayaa Xoghaya Guud ee Golaha shacabka faray in uu sharciga ku wareejiyo Guddiga Arimaha guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS,Intaas Kadib Guddoomiye Abshirow Ayaa Kulanka Soo Xiray.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Baydhabo, Janaayo 15,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeeray qeybo kamid ah goobaha la dajiyay martida ka soo qeyb geleysa Shirka Dib u Heshiisiinta KGS.
 
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hogaaminayo Saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS ayaa indha indheeyay isla-markaana warbixin ka dhageystay masuuliyiinta loo xilsaaray soo dhaweynta martida iyo mas'uuliyiinta qeybta ka ah wufuuda ka qeyb galeeysa Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed oo loogu balansan yahay inuu ka furmo 16-ka Janaayo oo ku beegan maalinta beri ah.
 
Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale booqday hoolka shirka uu ka furmaayo, isagoo warbixin ka qaatay Guddiga Farsamada oo ku jira diyaar garoowgii u dambeeyay.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Baydhabo, Janaayo 11,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ku guda jira kulamadii kala duwanaa uu la yeelanaayay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha amniga ayaa maanta la kulmay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo uu kala hadlay arrimaha dib u heshiisiinta KGS.
 
Golaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyeen sida uu wakhtiga badan ugu bixinayo in bulshada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadan ay heshiis nabadeed u wada qaadan lahaayeen, iyagoo adkeeyay in ay hormuud ka noqon doonaan Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo duubabka dhaqanka uga mahadnaqay sida ay u soo ajiibeen markale inay kulan looga hadlaayo gogol nabadeed oo dan u ah dadka reer Koonfur Galbeed, muhiim na tahay in laga wada heshiiyo madmadowga ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo bulshada.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho, Janaayo 8,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kulanka 12-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlayey hindise sharciyeedka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID).
 
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID) oo ay xukuumadu soo gudbisay, waxayna guddiga isla garteen in lageeyo Golaha, sidoo kale guddiga ayaa si qota-dheer uga dooday hirgelinta Xeer-Hoosaadka iyo ilaalinta kooramka xildhibaannada.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho 01, January 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.
 
Kulanka Guddoomiyaha iyo Marwo Anita Kiki ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo xustay inay UNSOM taageereyso dadaalada uu garwadeenka ka yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go'doomiyeen.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gunnaanadka kulanka ayuu Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay halka ay mareyso arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed isagoo la wadaagay inuu kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Page 1 of 15
© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya