Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Muqdisho,November 30,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 2aad ee wadajirka ah BJFS oo ajandihiisu ahaa qeybinta iyo akhrinta koowaad ee qoondaha miisaaniyadda 2023-ka.
 
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa warbixin guud ka siiyay xildhibaannadda labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in Wasaaradda Maaliyada dadaal dheer ay uga jirto sidii Soomaaliya loogu cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ugu dambeyn kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka laga war sugo ilaa ay uga soo dhamaato qiimeynta si loo hor keeno akhrinta labaad iyo akhrinta sedexaad ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho December 01,2022, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxmuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Agaasime waxeedyada Golaha Shacabka, waxaana kulanka looga hadlay dardar gelinta Qorshaha Golaha Shacabka 2022-2026.
 
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa dhammaan Agaasime waxeedyada kala hadlay wax ka bedelka Qorshayaasha hortebinta u leh Golaha Shacabka, iyadoo lasoo bandhigay Qorshayaashi Baarlamaankii 9aad iyo 10aad ee Golaha Shacabka.
 
DHAMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
+11
 
 
 
Muqdisho, December 03,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 1aad ee Golaha Shacabka oo ajendihiisu ahaa qaybinta iyo aqrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korontada iyo warbixinta xildhibaanada ka soo laabtay deegaan doorashooyinkooda.
 
Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in wax ka bedel lagu sameeyo ajandaha kulanka islamarkaana maanta laga doodo arrimaha amniga dalka, iyagoo sheegay in masuuliyiinta amniga la hor keeno Baarlamaanka si wax loogu weydiiyo xaaladaha amniga dalka, waxaana ay xildhibaanada sheegeen in qorshe la wada og yahay la sameeyo si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta iyo masuuliyiinta.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaannadda u sheegay in Hindisa Sharciyeedka Korontada lagu wareejiyo Guddiga Gaadiidka, Tamarta, Waddooyinka, Dekedaha, Airports-ka iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay amniga iyo xasaannadda xildhibaannadda, isagoo xusay in aan lagu xad gudbi karin islamarkaana lagula xisaabtami doono cidii xildhibaannadda hor istaagto. Guddoomiyaha ayaa faray guddiyada kala ah, Guddiga Difaaca iyo Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga in ay soo diyaariyaan ka soo tala bixinta dooda amniga guud ee dalka.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho Oktoobar 11,2022, Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka BJFS, Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar, iyo Wafdi ay hoggaamineeyso gaaray Degmada Buula burte ee Gobolka Hiiraan oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle.
 
Guddoomiye Sacdiyo iyo wafdigeeda ayaa waxay shixnad gargaar ah gaarsiiyeen Ciidanka ku sugan Degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan, Safarka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Marwo Xil. Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Habdhowraha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, la-taliyaasha dhanka Haweenka u qaabilsan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, Ururka Haweenka Qaranka iyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadi iyo Guddoomiye-yaasha Degmooyinka Warta Nabada iyo Cabdicasiis.
 
Guddoomiye Sacdiyo ayaa soo dhoweyn ka dib waxay socdaal lugta ah ku martay qeybo ka mid Magalada iyadoo u kuur galeysay Xaalada dhabta ah ee ka jira magalada Buuloburte, waxayna sheegtay in Shacabka reer Hiraan Dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan tahay hiil iyo hooba, si dalka loogu xorreyo kooxda argagaxisada Al Shabaab.
 
Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo ayaa xustay in marka Baarlamaanka la furo Xildhibaannadda la horgeyn doono in dhaqaalo loogu ururiyo dagaalka dadka reer hiiraan si ay uga guuleystaan dib u xorreynta dalka.
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The Hague Oktoobar 12,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, islamaarkaana ku sugan dalka Netherlands ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi oo uu hormuud u yahay Amb. Yuunis Yaasiin Xaashi oo ah Safiirka Soomaaliya Benelux iyo Midowga Yurub.
 
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherland ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyey magalada The Hague ee Netherland iyagoona uga warbixiyey nolosha dalkan iyo xaaladaha guud ay ku sugan yihiin.
 
Gabagabada kulanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada The Hague ugu warbixiyay safarkiisa iyo xaalada guud ee dalka isla markaana u sheegay in dalka uu ka socdo kacdoon dadweyne oo lagu cirib tiraayo Kooxda Al Shabaab, sidoo kale waxaa uu xusay in dalka ay ka jirto abaaro ba'an oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayuu Guddoomiyaha Jaaliyada reer Netherland uga baaqay in kaalin mug leh ay ka qaataan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Vienna Austria Oktoobar 13,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magalada Vienna kula kulmay dhigiisa dalka Austria Mudane Wolfgang Sobotka.
 
Kulanka labada mas'uul ayaa looga hadlay mataaneynta labada baarlamaan ee Austria iyo Soomaaliya, iyadoo labada guddoon ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii shaqaalaha iyo xildhibaannadda Golaha Shacabka ay u heli lahaayeen aqoon kororsi. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Dowladda Austria uga mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa ayaa xusay in dalka ay ka jirto abaaro saameyn weyn ku yeeshay dadka, degaanka iyo xoolaha, islamarkaana dowladda dagaal kula jirto argigixisada Al-Shabaab.
 
Guddoomiyaha Golaha Qaranka Baarlamaanka Austria, Mudane Wolfgang Sobotka, ayaa dhankiisa ballan qaaday Dowladda Austria diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato dagaalka lagula jiro argigixisada Al Shabaab iyo sidii kaalmooyin uga geeysan lahaayeen dadka ku waxyeeloobay abaaraha ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Madoobe, ayaa gabagabada kulanka sheegay in dagaalada lagula jiro Al Shabaab ay guulo waaweyn ka gaartay Dowladda Soomaaliya islamarkaana loo baahan yahay in si buuxda loo tageero dadka degaanka is abaabulay si guud ahaan dalka looga xorreeyo argigixisada Al-Shabaab.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdish September 28,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu Khadka Teleefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxayna iska xogwareysteen xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka, labada mas'uul ayaa adkeeyey Xoojinta xiriirka labada Barlaman ee Jamhuuriyadda Turkiga iyo Baarlmanka JFS.
 
"Waxaan khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxaana kawada hadalnay xiriirka labada baarlamaan iyo dardar-gelinta shaqada guddiga saaxibtinimada labada baarlamaan. Sidoo kale waxaan iska xogwareysannay arrimaha gobolka iyo caalamka ee khuseeya dalalkeenna," Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.
 
DHAMMAAD
Muqdisho September 28,2022, Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.
 
Danjiraha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka kala hadlay dhismaha Machadka Tababarada Baarlamaanka, horumarinta Baarlamaanka JFS, iyo sidii howl-wadeennadda Golaha Shacabka u heli lahayeen aqoon kororsi, isagoona Guddoomiyaha uga mahadceliyey shaqada dardarka leh ee uu hoggaanka u haayo Golaha Shacabka.
 
Guddoomiyaha ayaa dhankiisa danjiraha ku bogaadiyay garab-istaaga dowladda aan walaalaha nahay ee Sucuudiga la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinaayo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho September 15,2022, Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kulanka oo looga hadlay gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda argagaxisada Al Shabaab.
 
Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray xaalada guud ee dalka gaar ahaan abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolada Dalka, waxaa uu Madaxweyne Axmed Madoobe warbixin ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii Dalka loogu xorreyn lahaa Kooxaha xagjirka ah ee dhibaatada ba’an ku haya Ummadda Soomaaliyeed.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho September, 27,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Mideysan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
 
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhoweeysay shirka ayaa xustay in ay dowladda ka go'an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii haweenka Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen ilaalinta xuquuqda Aadanaha.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ugu dambeyn shirka khudbad ka jeediyey ayaa haweenka Soomaaliyeed ku boggaadiyey doorka lama ilaawanka ah ee ay kaga jiraan Ilaalinta xuquuqul insaanka ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan ballan qaaday in Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ilaalin doono xuquuqul insaanka isagoo adkeeyey in Guddigga Xuquuqul Insaanka dadaal dheeraad ah ay ku bixin doonanan dardar gelinta iyo ilaalinta dadka ku nool dhulka Jamhuuriyadda.
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya