Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Muqdisho September, 24,2022: Ku-simaha Madaweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya Mudane Jocelyn Mason.
 
Kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay abaartu wax-yeeleysay, sidoo kale mas'uuliyiinta ayaa adkeeyey sidii loo dardar gelin lahaa taageerada Q.M ee Baarlamaanka JFS.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn waxaa uu boggaadiyey dadaalada ay dalka kawadaan wakiiladda beesha caalamka waxaana uu ahmiyad gaar ah siiyey dagaalka ka dhanka kooxda argagxisada ah ee Al-Shabaab iyo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidanka Xooga Dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira argagaxisada.
 
Dhammaad
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Guddiga Gaadiidka, Hawlaha Guud, Duulista Hawada, Dekedaha iyo Tamarta ayaa maanta kulan-hawleed la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Xil. Ismail Abdirahman Sh. Bashiir oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Madaxa Mashaariicda.
 
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Guddiga ee Villa Hargeisa ayaa ku qabsoomay jawi wanaagsan. Guddoomiyaha Guddiga oo kulanka furey ayaa ugu horreyn u mahadceliyey masuuliyiinta wasaaradda sida habsamida leh ee ay usoo ajiibeen kulanka loogu yeedhay. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay hawlaha muhiimka ah ee guddiga horyaalla isla markaana xusay inay guddi ahaan diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Wasaaradaha ay guddigani korjoogtayso. Xildhibaannada guddiga ayaa masuuliyiintan ku adkeeyey inay soo gudbiyaan qorshe-hawleedka Wasaaradda iyo shuruucda mudnaanta gaarka ah u leh wasaaradda si logo doodo marka kalfadhigu 2aad furmo.
 
Wasiirka Wasaaradda oo hadal-jeedin ka sameeyey kulanka ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay wasaaradda Hawlaha Guud u leedahay dalka iyo doorka ay ka ciyaarto kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda iyo dalkaba guud ahaa. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sidoo kale ka hadlay doorka guddigu ka ciyaari karo inay wasaaraddani noqoto mid shaqadeeda si hufan u gudata isla markaana guddigu garab ku siiyaan sidii wasaaraddu shaqadeeda uga la soo wareegi lahayd Wasaaradaha dawladda ee sida sharci-darrada gacanta ugu haya. Wasiir-dawlaha iyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhexmarta wasaaradda iyo Guddigani.
 
Gunanadkii Xildhibaannada Guddiga ayaa soo jeediyey in Wasaaraddu tirakoob ku sameyso hantida ma-guurtada ah ee dawladda ee caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka. Sidoo kale, waxa aad looga hadlay boobka lagu hayo dhulka dawladda, dhulka sida sharci-darrada ah loo dhisanayo iso sidoo kale in la dedejiyo in dib loo sameeyo bullaacadihii (sewage) biyuhu mari jireen ee hadda aan shaqeynin.
 
Ugu dambeyn Guddiga iyo Wasaaradda ayaa isla qaatay in kulan kale la isugu yimaaddo isla markaana la isla faaqido shuruucda hortabinta u leh wasaaradda. Waxaana ay ballan qaadeen labada dhinacba in ay si hufan u wada shaqeeyaan.
 
Dhamaaad
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Muqdisho September 08,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay madaxa Bariga Afrika ee Hay’adda Socdaalka Aduunka ee (IOM) Mudane Mohammed Abdiker oo uu weheliyo madaxa howlgalka Soomaaliya ee hay’adda Mudane Franz Celestin.

Marka hore Madaxada Hay’adda Socdaalka Aduunka ee Bariga Afrika Mudane Mohammed Abdiker ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan warbixin ka siiyey waxyaabihii ay dalka ka qabatey isagoo soo hadal qaaday sida Golaha Shacabka ee BJFS ay u wada shaqeyn karaan, islamarkaana ka taageeri doonaan sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka, Dhanka kale Mudane Franz Celestin, ayaa isna dhankiisa sheegay in ay hada Hay’adda Socdaalka ay gacanta ku heeyso kumanaan barakacayaal Soomaali ah.

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyey shaqooyinka ay Hay’adda ka wado dalka iyo dedaalada Hay’adda ay wax ugu qabaneeyso barakacayaasha dalka ku nool.

Dhammaad

 

Muqdisho September 11,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi ka socda xildhibaannada haweenka ah ee ku jira Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa marka hore warbxin ka dhageystay xildhibaannadda haweenka ah iyagoo is weydaarsaday sidii haweenka tageero uga heli lahaayeen ka qeyb galka siyaasada iyo awoodsiinta.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyey howlkarnimadda ay sameynayaan haweenka Xildhibaannadda ah ee ku jira Golaha Shacabka BJFS, isagoo la wadaagay inay xoojiyaan midnimada xildhibaanada haweenka ah ee ku jira BJFS, waxaana uu u sheegay inay heli doonaan aqoon kororsi ku aaddan hanaanka sharci dejinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhammaad

 

Muqdisho Saptember 06,2022, Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS NADRA SALEH ABDI ayaa maanta Shir_guddoomisay kulan Guddiga uu Maanta ku yeeshay Xarunta guddiyadda iyo Guddoonka ee Villa Hargeisa.

Guddiga ayaa ka wada-hadlay Ajadayaasha hortabinta u leh iyo sidii loogu yeerilahaa wasiirada ay wada shaqaynta kala dhaxayso Guddiga.

 
 

Muqdisho September 04,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe)

ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho tacsi ugu tagey Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadii Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq geeriyootay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa murugada xanuunka leh la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq, isagoo Alle uga baryey inuu
Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo.
 
“Innaa Lillahi wa inna Illaheyhi Raajicuun Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, oo shalay la geeyey gurigeeda dhabta ah waxaan rabi u weeydiineynaa in uu hoygeeda ka dhigo j
annadii Firdowsa dhamaan ehelka iyo qaraabada samir iyo iimaanna uu ka siiyo"
 
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in marxuumada loo duceeyo waxaana uu Alle u baryey in uu Jannadiisa kawaraabiyo.
 
Dhammaad
Shirkii xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 - 31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika. Xubin ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika ayaa noqaneeysa markii ugu horeysey ee Soomaaliya Xilkaas loo doorto. Dhammaad

Muqdisho, May 04, 2022:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa soo saaray 8 ka mid ah 11-ka xubnood ee Golaha Shacabka uga mid noqonaya Guddiga Qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS oo ka kooban 10-xubnood oo ay magacyadooda kala yihiin:
1-Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
2-Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
3-Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar.
4-Xildhibaan Maxamed Axmed (Beerey)
5-Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.
6-Xildhibaan Abdiwahab Abdi Omar (Caananuug)
7-Xildhibaan Cumar yuusuf Khaalib.
8-Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Guddomiye Madoobe ayaa sheegay in 3 xubnood ee harsan saacadaha soo socda lagu soo dari doono si loo dhameystiro xubnaha gudiga maanta la magacaabay.

 
 
 
 
 
 
 
 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay Xeerka Saxaafdda Soomaaliya.

Xeerkan oo ay Xildhibaannada saaka mariyeen aqrinta 3aad ayaa markii ay dhameeyeen kaddib cod loo qaaday waxaana oggolaatay 139 Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka aamusan mana jirin Xildhibaan diiday.

Xeerkan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxaa horay u ansixiyay Baarlamaankii sagaalaad,waxaase la soo noqday Baarlamaankan 10aad markii ay cabasho ka timid qaar ka mid ah Qodobada Xeerka.

Xildhibaannada ayaa dib u eegis ku sameeyay Xeerkan oo ay mariyeen saddex aqrin sida caadiga ah ee ay aqrinta u mariyaan xeerarka kale.

Maanta ayeyna u codeeyeen in xeerkaasi noqdo Xeerka saxaafadda Dalka xildhibaanada kulanka soo xaadiray oo gaarayay 140 xildhibaan ayaa 139 ka mid ah waxa ay ugu Codeeyeen Haa Hal Xildhibaan ayaa ka Aamusay Manajirin Cid diiday.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Saxaafdda Soomaaliya.

Xeerkan oo ay Xildhibaannada saaka mariyeen aqrinta 3aad ayaa markii ay dhameeyeen kaddib cod loo qaaday waxaana oggolaatay 139 Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka aamusan mana jirin Xildhibaan diiday.

Xeerkan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxaa horay u ansixiyay Baarlamaankii sagaalaad,waxaase la soo noqday Baarlamaankan 10aad markii ay cabasho ka timid qaar ka mid ah Qodobada Xeerka.

Xildhibaannada ayaa dib u eegis ku sameeyay Xeerkan oo ay mariyeen saddex aqrin sida caadiga ah ee ay aqrinta u mariyaan xeerarka kale.

Maanta ayeyna u codeeyeen in xeerkaasi noqdo Xeerka saxaafadda Dalka xildhibaanada kulanka soo xaadiray oo gaarayay 140 xildhibaan ayaa 139 ka mid ah waxa ay ugu Codeeyeen Haa Hal Xildhibaan ayaa ka Aamusay Manajirin Cid diiday.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya