Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka Ambabaxay Gegida Diyaaradaha Aadan Cabdulle, si uu uga qayb galo Shirka sanadlaha ah ee Parliamentary Union of the OIC Members States (PUIC) oo ka dhici doona Magaalada OUAGADOUGOU oo ah Caasimadda Dalka BURKINA FASO ee Galbeedka Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Dalka Burkina Faso waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka Burkina faso kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dalkan oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Burkina Faso iyo xubno kale oo Baarlamaanka Dalkan ka tirsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Burkina Faso Alassane Baka Sadandé oo shir jaraa’id ku qabtay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa guud ahaan madaxda Dalka Burkina Faso gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka ee dalkan uga mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa ,waxaana uu sheegay in mudada ay joogaan kaga qayb geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Burkina Faso,Sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalkan Burkina Faso Alassane Baka Sakandé ayaa dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Dalka Burkina faso waxa uuna sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan.

Maalinta beri haduu Alle idmo Waxaan Dalkan ku yaala galbeedka Afrika ee Burkina Faso Caasimadiisa Ouagadougou (Wagadhugu) ka furmi doona kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto.

 

Beri oo Sabti ah Tr 28 Dec waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha Kulanka ayaa ah Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Shirweynahan waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  Golayaasha Xeerdejinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo hawlwadeennada haweenka ah ee Golayaasha Xeerdejinta, waxaana kasoo qaybgalkooda gacan ka siisay Mashruuca Gole-kaab oo ay taageerto Hay’adda SSF, Waa madal ugaar ah haweenka  oo ay kaga arrinsanayaan  doorkooda ka qeyb galka siyaasada,  maadama ay dalka doorasho kadhacayso horaanta 2021.

Shirka ayaa waxaa manta  si rasmi ah u furay guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Shirkaan  oo ah mid sanadle ah waxaa  sanadkan sigaar ah looga hadlayaa  ka qeyb galka  siyaasada ee haweenka  iyo in hawenku ay helaan waxkabadan boqolkiiba soddon oo ah qoondo ay ku leeyihiin hugaaminta dalka.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan hawenka xildhibnada ah ee labada gole ee barlamaanka,   ururada haweenka,  wasiiro,  haweenka ka socda barlamanada dowladd goboleedyada iyo guddoomiyha  guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dalka  ayaa socon doona muddo laba maalin ah.

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka benaadir  Basma Caamir Shakeeti  oo kusoo dhawysay  ka qeyb galayasha shirka ayaa sheegtay in maamulka gobolku uu wado qorshe ku aadan sidii haweenka dagmooyibnka ay uga qeyb gali lahaayeen   doorashada dalka ka dhici doonto,  haweenka Soomaliyeedna ay muhiim tahay in ay ka tashadaan doorkooda ku aadan hoggaaminta dalka.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin, ayaa hawenka ku dhiira galisy in hadii ay dadalaan ay  gaari kaaraan   meel  wanagsan,  ka wasaard ahaana ay garab taagan yihiin. 

 

Beri oo Sabti  ah Tar 7 Dec waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ajendaha Kulanka ayaa ah Sii wadida Dooda Akhrinta 2aad  ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka. 
 
 
 

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Kulamay, Ajandihiisa kulanka ayaa ahaa Habraaca Ansixinta Dib U Eegista Dastuurka Kumeel Gaar ah ee Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahmaan ayaana Shirka Guddoominaya. 

Kulankaan ayaa ah Kulankii 3aad ee Wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay Yeshaan Kalfadhigaan 6aad. 

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Yeelan doona Kulan Wadajir ah Mudo Kadib,  Ajandaha Kulanka ayaa  ah Akhrinta 1aad ee Miisaaniyadda 2020.

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS Ayaa Maalinimadii Sabtida Aheyd Taariikhduna Ay Ku Beegnayd 2 Nov Ayaa Yeeshay Kulankii 7aad Ee Kalfadhiga 6aad, Kooramka Kulanka Ayaa Ku Furmay 140 Mudane, Waxa Kulanka Shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Oo Uu Wehliyo Guddomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Mudane Mahad Cawad Cabdalla

Ajendaha Kulanka Ayaa Ahaa Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed, Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Notaayadda Dadweynaha,U Codeynta Xisaab Xirka Miisaaniyada 2017 Iyo Sii Wadida Ka Doodista Maxdarka Xildhibaanadda

Kadib Ansixinta Ajandaha Waxaa La Guda-Galay Ajandaha 1aad Oo Ahaa U Codeynta Xisaab Xirka Miisaaniyada 2017 Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Maxamud Siraaji Oo Kulanka Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Guddiga Si Qoto-Dheer Uga Soo Shaqeeyay Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017, Wuxuuna Golaha Ka Codsaday In Ay Meelmariyaan Xisaab Xirkaan.

Intaas Kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ayaa Xildhibaanada Weydiiyay Inta Ogol Meelmarinta Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017, 128 Xildhibaan Ayaa Ogol Ugu Codeyay 8 Xildhibaa Ayaa Diiday Halka 5 Xildhibaan Ka Aamustay.

Guddooiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman Ayaa Ku Dhawaaqay Natiijada Codeynta,Ugu Danbayntii Xildhibaanada Golaha Ayaa Sii Dhamaystiray Inta Ka Harsan Ajandaha Kulanka.

Maalinimadii Isniinta Oo Ahayd 4 Nov Ayay Xildhibaanada Golaha Yeesheyn Kulanka 8aad Ee Kalfadhiga 6aad.

Ajandaha Kulanka Ayaa Ahaa Akhrinta 2aad Heshiiska Kamid Noqoshada Hay’adda Damaanada Maalgashiga Darafyadda Badan.  

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Shir Guddoominayay Kulanka Guud Ee Golaha Ayaa Waxa Uu Ugu Horeyn Sheegay In Xukuumadda Iyo Guddiyada Golaha Looga Baahanyahay In Ay Soo Dedejiyaan Shuruucda Ay Hayaan Si Uu Goluhu Waajibaadkiisa Uga Guto.

Sidoo Kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka Ayaa Akhrinta 2-Aad Marsiiyay Heshiiska Ka Mid Noqoshada Hay'adda Damaanadda Maalgashiga Darafyada Badan Oo Ay Soo Gudbisay Wasaaradda Ganacsiga  Waxaana Golaha U Faah Faahiyay Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga,Dhaqaalaha, Warshadaha Iyo Maalgashiga Ee Golah Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

Intaasi Ka Dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka Ayaa Ka Dooday Heshiiskan Iyo Muhiimadda Uu Dalka U Leeyahay, Waxaana Xildhibaanadda Oo Fikrado Kala Duwan Ka Dhiibtay Qaarkood Ay Sheegeen In Hadii Sharcigan La Ansixiyo Faa'idooyin Badan Uu Dalka U Leeyahay.

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Kulanka Soo Xiray Ayaa Sheegay In Muhiim Ay Tahay In La Helo Sharci Yaqaano Maadaamaa Uu Heshiiskan Yahay Mid Caalami Ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo uu hareer fadhiyay Guddoomiye kuxigeenka 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Maanta Shir-guddoomiyay Kulanka 4aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS,Kulanka oo ay Goobjoog ahaayeen inta Badan Xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan howlaha Golaha Shacabka, intaas ka Dib Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Gudagalay ka Hadalka iyo Dejinta Ajandayaasha Golaha Shacabka inta Ka Harsan Kalfadhiga 6aad.

Xogahayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaaa Sheegay in Guddiga Joogtada ay Siweyn uga hadlayn  Muhiimada Guddiyadda Golaha Shacabka ay u leeyihiin kulamada Guud ee Golaha Shacabka, Guddiyadda Golaha Ayay inta Badan ka yimaadaan Ajandayaasha Golaha  ayuuna hadalkiisa sii raaciyay Xogahayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux.

Golaha Shacabka BJFS oo uu Dhawaan Furmay Kalfadhigiisa 6aad ayaa Si weyn u dardargeliyay Maalmahaan Kulamada Golaha Shacabka,Guddoomiayah Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman oo ka hadlaayay Kulankii 1aad ee Golaha Shacabka ayaa si weyn ugu dheeraaday Muhiimada uu leeyahay Kalfadhigaan 6aad ee Golaha Shacabka.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya