Kusimaha Madaxweynaha JFS Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo Xiray Shirweynaha Qaran ee Dastuurka

kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha

Muqdisho:

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaiya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh ayaa maanta Soo Xiray Shirweynaha Qaran ee geeddi socodka Dib U eegista Dastuurka, oo socday Muddo Seddex Cisho ah. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta Dalka ugu sareysa Raisul wasaaraha Dalka mudane Xasan Cali Kheyre wasiiro iyo sidoo kale madax ka kala socda maamul Goboleedyada dalka Marti sharaf iyo masuuliyiin Dhowr ah. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka ayaa ujeedkiisa ahaa Geedi socodka Dib u eegista Dastuurka ayaa waxaa soo xiray Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuuna kula dardaarmay wasaaradda iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib u eegsita  iyo Guddiga Lasocodka Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan Howsha Dhameystirka Dastuurka qabyada ah Mudada loo cayimay.

Lasaco Tweets keenna

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal ayaa ka qeyb… https://t.co/Wby764e0YA
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah, kaas oo lagu go”aamiyay in uu furmo kalf… https://t.co/unK3yfnvl6
Gudomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal aya ka qeybgalay kulan looga hadlayey sidi loo xoojin laha howlaha BFS iy… https://t.co/xnc56T9GC4
Follow Golaha Shacabka BJFS on Twitter

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya