Print this page

Kusimaha Madaxweynaha JFS Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo Xiray Shirweynaha Qaran ee Dastuurka

May 15, 2018 2072
kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha

Muqdisho:

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaiya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh ayaa maanta Soo Xiray Shirweynaha Qaran ee geeddi socodka Dib U eegista Dastuurka, oo socday Muddo Seddex Cisho ah. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta Dalka ugu sareysa Raisul wasaaraha Dalka mudane Xasan Cali Kheyre wasiiro iyo sidoo kale madax ka kala socda maamul Goboleedyada dalka Marti sharaf iyo masuuliyiin Dhowr ah. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka ayaa ujeedkiisa ahaa Geedi socodka Dib u eegista Dastuurka ayaa waxaa soo xiray Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuuna kula dardaarmay wasaaradda iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib u eegsita  iyo Guddiga Lasocodka Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan Howsha Dhameystirka Dastuurka qabyada ah Mudada loo cayimay.