Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta Ku yeeshay Xarunta Golaha Kulankoodii ugu Horeeyey ee Kalfadhiga 4aad

Xildhibanada Xildhibanada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga 4-aad, Kulanka waxaa soo xaadiray 165 Xildhibaan, waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha shacabka ayaa goobjoog ka ahaa kulanka, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay dhowr hindise sharciyeed kuwaasi oo kala ah:

1. Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga.

2. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga LR-11 ee soo baxay sanadkii 2006-dii ee shaqaalaha rayidka.

3. Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Naafada.

4. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga hanta dhowrka guud ee LR-kiisu yahay 34, kaasoo soo baxay 14-kii 4-aad sanadkii 1972-dii.

5. Warbixinta Xisaab xirka dowladda ee sanadka 2017.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanada u jeediyay warbixin ku saabsaneyd qorshe howleedka Golaha Shacabka mudada uu furan yahay Kalfadhiga 4-aad.

Lasaco Tweets keenna

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaa… https://t.co/nfmjVT4CRu
Guddoomiyaha Golaha Shacabka & wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan howlo dib-uheshiisiineed u Joogay magaalada Baydh… https://t.co/yBLYyzs5cJ
Gudomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal @AmbMursal aya maanta Ka qeybgalay munaasabada xiritanka wajiga k… https://t.co/ghxXhtKilB
Follow Golaha Shacabka BJFS on Twitter

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya