Print this page

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta soo gabagabeeyay doodii ku saabsaneyd xaalada amni ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho

September 19, 2018 1573

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 

Kulanka waxa shir guddoominaayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

150 Xildhibaan ayaa kulanka soo xaadiray, waxaana xildhibaanada ay soo bandhigeen talooyinkooda ku saabsan arrimaha amniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in talooyinkii ay soo gudbiyeen Xildhibaanada loo gudbinayo guddiga amniga iyo guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa labada guddi faray iney la wareegaan oo ay ka soo shaqeeyaan arrimahaan ku saabsan amniga ee Xildhibaanada ay ka doodeen.

“50 Xildhibaan ayaa hadashay, dhamaan fikradahoodii wa la qoray sida waafaqsan qodobka 57-aad ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee howlaha guddiyada, dhamaan qoraaladii ka soo baxay doodii xildhibaanada waxa ku wareejineynaa guddiga amniga iyo guddiga difaaca si ay golaha ugu soo celiyaan warbixin dhameystiran .” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.