Xildhibaanadda Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan ku yeeshay Xarruunta Golaha Shacabka

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen magaaladda Muqdisho 

Kulanka waxaa shir gudoominaayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan,waxaana kulanka soo xaadiray 140 xildhibaan.

Ajendaha kulankoodii maanta ayaa ahaa sii wadista dib u eegista wax ka badalka xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Sidoo kale kulanka waxaa joogay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudeey.

Qaar ka mid ah Xildhibaanaddii kulanka ka qeyb kalay ayaa soo jeediyay in qaar ka mid ah xeer Hoosaadka Golaha shacabka wax ka badal lagu sameeyo.

Ugu dambeeyntii kulanka waxaa soo xiray Guddoomiyaha golaha SHacabka. 

 

Lasaco Tweets keenna

Waxaa furmay kulanka 4-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 144 mudane ayaa kulanka soo xaad… https://t.co/166h7GwFLw
Shirka 5aad ee golayasha xeer dajinta dalka aya malinta Isniinta oo ay taariikhdu ku began tahay 8 bisha April ka f… https://t.co/XZ3O3TNe2N
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS @AmbMursal ayaa shir Guddoomiyay Kulanka gudiga joogtada ah ee golaha oo looga… https://t.co/oC2ajD2ffc
Follow Golaha Shacabka BJFS on Twitter

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya