Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Guddiga ganacsiga iyo warshadaha iyo maalgashiga caalamiga ah oo la kulmay wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha

Guddiga ganacsiga iyo warshadaha iyo maalgashiga caalamiga ah  ee golaha shacabka ayaa maanta waxa ay kulan kula yeesheen xarruunta villa Hargeysa wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha C/laahi Cali Xasan.

Kulanka ay guddiga la yeesheen wasiirka gancsiga waxaa shir gudoominaayay gudoomiyaha Guddiga ganacsiga iyo warshadaha iyo maalgashiga caalamiga Maxamuud C/raxmaan Beena Beene.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa  seddex qodob,kuwaasi oo kala ahaa.

1.Kulan wadatashi ah oo ay wada yeeshaan guddiga iyo wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

2.sharciga jaangooynta iyo taya dhowrka oo akhrintiisii kowaad soo maray

3.iyo arrimaha laxarriira ganacsiga dalka.

Ugu danbeyntii Guddiga ganacsiga iyo warshadaha iyo maalgashiga caalamiga ayaa kaga mahadceliyay wasiirka wada shaqeynta fiican ee ka dhaxeysa guddiga iyo wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya