Print this page

Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo ansaxiyay meelmarinta xeerka Saxaafadda

July 08, 2019 1097

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarrunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Kulanka waxaa shir gudoominaayay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim Sh.Muudeey.

Waxaa kulanka soo xaadiray 140 xildhibaan,iyadoona ajendaha kulanka uu ahaa Akhrinta seddexaad ee wax ka bedelka xeerka saxaafadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga warfaafinta,Dhaqanka,boostada iyo isgaarsiinta Xildhibaan Khalid Macow Abdulkhadir ayaa sheegay in u jeedooyinka xeerkaan warbaahinta uu yahay dajinta mabaadii’da siyaasadeed iyo sharci hagaayo warbaahinta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedka xeerkaan yahay in la helo warbaahin anshax iyo dhaqan wanaagsan leh.

Dhanka kale xoghayaha guddiga warfaafinta,Dhaqanka,boostada iyo isgaarsiinta xildhibaan Jabriil Abdirashiid Haji Abdi ayaa mudanayaasha goalaha shacabka u aqriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee xeerka saxaafadda,isagoona sheegay in ay wax ka bedel badan ay kusoo sameeyeen qeebo ka mid ah xeerkaan.

Aqrinta ka dib Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim Sh.Muudeey ayaa xildhibaanadda golaha shacabka ka codsaday in ay xeerkaan u codeeyaan.

Codeen ka dib Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim Sh.Muudeey ayaa ku dhawaaqay natiijada codeeynta wax ka bedelka xeerka saxaafadda waxa ayna natiijadda u dhacday sida tan 139 xildhibaan ayaa Haa ugu codeeyay Wax diiday Majirin waxaana ka Aamusay 1xildhibaan.

Ugu danbeeyntii kulan waxaa soo xiray Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim Sh.Muudeey