Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaaladda Xudur

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha shacabka ee soomaaliya ayaa maanta Gaaray Magaalada xudur ee Xarunta gobolka bakool.

Wafdiga gudoomiyaha Golaha shacabka BJF soomaaliya Amb Mohamed mursal sheekh cabdiraxmaan ayaa waxaa Ku wehlinaya xilibaano , wasiiro katirsan xukuumadda iyo saraakiil waxaana garoonka Ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo mas'uuliyiin kale.

Gudoomiyaha ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaradaha degmada xudur waxaa uu dadkii soo dhaweeyaya uu uga mahad celiyay sida gacaltooyada ah ee ay uga qeyb qaateen soo dhaweynta balaaran ee ay usameeyeen shacabka degmada xudur

Gudoomiyaha ayaa isla maanta waxaa uu dhagax dhigay dhismooyin cusub oo degmada ah halka kuwa kalena uu xarigga ka jaray , waxaana kamid xarumaha uu dhagax dhigay

1-Xaruunta Hay'adda Socdaalka Iyo Jinsiyada 
Iyo 2-Airporka Degmada Xudur

Sidoo kale waxaa goobaha xarigga uu kajaray gudoomiyaha Golaha shacabka ay ahaayeen

1-Iskuulka Hoose Iyo Dhexe ee Xudur iyo 
2-Xaruunta Degmada Xudur

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Ku suganyihiin xarunta maamulka bakool ee xudur waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa mas'uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan degmada xudur waxaana safarkaan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee gudoomiyahu Ku tago Xudur tan iyo markii uu Ku Guuleysatay doorashadii Xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee BJF soomaaliya.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS 
Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdi-raxmaan ayaa dhagax dhigay dhismaha Xaafiiska Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee degmada Xudur ee gobolka Bakool ka dib Markii uu Maanta halkaasi gaaray.

 

Image may contain: 2 people, people standing and suit

 Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit, wedding and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, hat and outdoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing, wedding and outdoor

Image may contain: 6 people, people standing, wedding, suit and outdoor

Image may contain: 10 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 8 people, people standing and suit

Image may contain: one or more people, people standing, suit, wedding and outdoor

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

Image may contain: 10 people, people standing

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

 

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya