Print this page

Raad-raaca Kulamada Golaha Shacabka.

July 11, 2019 1244

Muqdisho-Somalia

Golaha shacabka BJFS  Tr:12-07-2019  

Raad-raaca Kulamada Golaha Shacabka.

 

Maalintii Sabtida ahayd oo ay Taariikhdu ku beegnayd 06.07.2019 Xildhibaanada Golaha ayaa yeeshay kulankooda 23aad ee kalfadhiga 5aad Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1aad ee wax ka badalka Sharciga Shaqaalaha Rayidka iyo Warbixinta Baarlamaanka Carabta.

 

Ugu horeyntii Xildhibaan Mohamed Omar Dalxa oo ka mid ah Guddiga Baarlamanka Soomaaliya u qaabishan Baarlamaanka Carabta ayaa kulanka ka jeediyay warbixin dhinacyo badan taabanayso, Waxa uuna sheegay in Golaha loo dhanyahay ee baarlamaanka Carbta ay Canbaareeyeen Damaca Guracan ee Dowlada keynya ka leedahay Badda Soomaaliya kadib marka uu xil.Dalxa Akhriyay warbixinta ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay Guud ahaan Golaha.

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi-wali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa u yeeray   Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa si uu  Golaha uga hor jeediyo Akhrinta 1aad   Sharciga Shaqaalaha Rayidka.

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi-wali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa kulanka soo xiray

 

Maalintii isniinta ahayd oo ay Taariikhdu ku beegnayd 08.07.2019 Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa yeeshay kulankooda Caadiga ah  ee 24aad kalfadhiga 5aad Golaha Shacabka Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta 3aad ee Wax ka badalka Xeerka Saxaafadda Qaranka.

 

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Khalid Maow ayaa xildhibaanada u sharaxay Xeerkan iyo marxaladaha uu soo maray waxa uuna ka codsaday in ay meelmariyaan Akhrinta 3aad ka dib waxa uuna u yeeray Xoghayaha Guddiga Xildhibaan jabril Abdirashid Haji Abdi si uu u Akhriyo qodobada ay wax ka Badaleen, Kadib Akhirinta 3aad ee uu Sameeyay Xogahayaha Guddiga, ayuu Xildhibanada Ka codsaday in ay meelmariyaan Sharcigaan.

Intaasi ka dib Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi-wali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa Cod u qaaday Xeerka 139xildhibaan ayaa ogol ugu codeeyay wax diiday ma jirin Hal xidhibaan ayaa ka Aamusay.

 

Ugu danbayntii Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi-wali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta waxa uuna sheegay xeerka in la Meelmariyay  loona gudbinayo Aqalka Sare si waajibkooda u gutaan,intaasi kadib kulanka Guud ee Golaha ayaa sidaasi kusoo xirmay.

 

Maalinimadii Arbacada oo ay Tr ahayd 10-july-2019 Golaha waxa uu yeeshay kulankiisa 25aad ee kalfadhiga 5aad Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta 3aad ee Xisaab xirka Miisaaniyadda 2017,  Akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya ,warbixinta Guddii Xaqiiqo raadinta ee Gaalkacyo iyo Qeybinta Heshiiska Kamid noqoshada Hay’adda Damaanada Maalgashiga darafyada badan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Abdirahmaan oo kulanka Gudoominayay Ayaa xildhibaanda ka codsaday in ay Ansixiyaan Ajandaha kulanka xildhibanada ayaa cod wada ogol ah ku ogolaaday Ajandaha kulanka.

Guddoomiyaha ayaa u yeeray Xildhibaan Maxamed Soomaali oo ahaa Xubin ka mid ah Guddiga isla markaana ahaa Xoghayaha Guddiga Xaqiiqo raadinta waxa uuna ka hadlay kulamo ay la yeesheen Ehelada dadkii lagu laayay Magaalada Gaalkacyo iyo Maamulka Magaaladasi oo ay aad uga Mahadceliyeen sida ay ula shaqayeen una soo dhawaayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ayaa sheegay in warbixinta ay tahay mid wanaagsan isla markaana ay Golaha kasoo saari doonaan Qaraar.

Intaasi ka dib Guddoomiyaha Guddiga  Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Siraaji ayaa Golaha ka hor Akhriyay Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017, kadib Akhrinta Guddoomiyaha Guddiga ayay Xildhibaanada Golaha Shacabka ka dhiibtayn Aragtidooda la xiriirta Xisaab xirka.  

 

Ugu danbayntii Guddoomiyhaa Golaha Shacabka ayaa u yeeray Guddoomiyha Guddiga Gaadiidka Xildhibaan Abdifatah Ismail Dahir ayaa hadal kooban ka dib u yeeray Xoghayaha Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Farxiyo Muumin si ay  Akhrita 2aad u marsiiso Hindise Sharciyeedka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Abdirahman  ayaa ugu danbayntii Soo xiray kulanka 25aad ee kalfadhiga 5aad.

  

 

 

 

Waaxda Warfaafinta Golaha Shacabka

Media and Communication Department