Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ayaa Maanta Magacabay Guddi ku-meelgaar ah oo ka shaqayndoona soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Guddigaan oo ka kooban 15-xubnood oo Dhamaantood ah Xildhibaano ayaa Soo diyaarindoona Sharciga Doorashooyinka Qaranka, Si Waafaqsan Qodobka 33-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.