Print this page

Raad-raaca Kulamada Golaha Shacabka Ee Todobaadkan

October 25, 2019 1779

Xildhibaanada Golaha Shacabka Bjfs Ayaa Maalinimadii Sabti Ahayd  Tar 19 Oct Yeeshay Kulankoodii 1-Aad Ee Kalfadhiga 6-Aad, Ajendaha Kulanka Ayaa Ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal Iyo Akhrinta 1aad Ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan Muuqan Iyo Heshiis Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.

Kadib Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ayaa Waxaa Loo Yeeray Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Mudane Cabdullahi Godax Bare Si Xildhibaanada Uga Hor-jeediyo Akhrinta 1aad Ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan Muuqan Iyo Heshiis Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga Intaas Kadib Guddoomiyaha Golaha Shcabka Ayaa Xildhibaanada Ku Wargeliyay In Kulamada Xiga Looga Doodi Doono  Heshiiskan Uu Wasiirka Ka Hor Akhriyay.

Dhinaca Kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Kulankoodii 2aad Yeeshay Isniintii Oo Ku Beegnayd 21 Oct Waxaana Shir Guddoominayay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1-Aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey, Waxa Ay Xildhibaanada Ugu Horeyn Ansixiyeen Xubin Magacaabaneyd Oo Aheyd Buuxinta Boos Ka Banaanaa Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka, Waxaana Natiijada Codeynta Ku Dhawaaqay Shir Guddoonka Kulanka.

Aadan Cabdinaasir Maxamed Oo Si Rasmi Ah U Buuxiyay Xubin Ka Banaaneyd Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Ayaa U Mahad Celiyay Guddoonka Iyo Xildhibaanada Golaha Kalsoonida Ay Siiyeen.

Sidoo  Kale Mudanayaasha Golaha Shacabka Ayaa Akhrinta 2-Aad Marsiiyay Hindise Sharciyeedka Maamulka Dakhliga Dalka,Waxaana Golaha Sharcigan Iyo Marxalidihii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray U Akhriyay Guddoomiyaha Gudiga Maaliyada,Qorsheynta Iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji Oo Sidoo Kale Golaha Ka Codsaday In Ay Ansixiyaan.

Intaas Ka Dib Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Cod U Qaaday Sharcigan Ka Dib Markii Dooda Xildhibaanda Ay U Badatay In Cod La Geliyo, Waxaana Natiijada Codeynta Ku Dhowaaqay Shir Guddoonka Kulanka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudey

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad Ayaa Sheegay In Wasaaradda Maaliyadda Looga Baahanyahay In Ay Cadeyso Xuquuqaad Uu Sheegay In Ay Ka Maqanyihiin Xildhibaano.

Sidoo Kale Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Ayaa Golaha Maanta Usoo Gudbiyay Akhrinta Koowaad Ee Dib Ugu Noqoshada Miisaaniyadda Sanadka 2019,Waxaana Mudanayaasha Golaha U Faah Faahiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim
.
Guddoomiye Kuxigeenka 1-Aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey Oo Kulanka Soo Xiray Ayaa Sheegay In Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Looga Baahanyahay In Ay Golaha Hor Yimaadaan Si Loo Weydiiyo Su’aalo Ay Mudanayaasha Golaha U Qabaan,Si Wax Badan Looga Ogaado Howlaha Wasaaradda Maaliyadda,Waxaana Sidoo Kale Mudanayaasha Golaha Loo Qeybiyay Axdiga Ilaalinta Hanti Dhaqameedka Xiliyada Colaadaha .

Ugu Danbeyntii Xildhibaanada Golaha Shacabka Bjfs Ayaa  Yeeshay Kulankoodii 3aad Ee Kalfadhiga 6aad Maalinimadii Isniinta ahayd, Kusimaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudey Oo Uu Hareer Fadhiyay Guddoomiye Kuxigaanka 2aad Ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Shir-Gudoomiyay Kulanka Guud Ee Golaha Shacabka.

Ugu Horeyntii Guddoomiyaha Ayaa Xildhibaanada Ka Codsaday In Ay Ansixiyaan Ajandaha Kulanka,Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaana Si Wada Ogol ah Ku Meelmariyay Ajandaha Kulanka.

Intaas Kadib Waxaa La Guda Galay Ajandaha Kulanka Oo Ka Koobnaa Dhowr Qodob Oo Kala Ah Akhrinta 1aad Axdiga Ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada
Iyo Akhrinta 1aad Ee Ka Mid Noqoshada Hay’ada Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada Badan Iyo Sidoo Kale Akhrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka Tiro-koobka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Ayaana Guda Galay Ka Doodista Axdiga Ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada,iyadoona inta Badan Xildhibaanada Ay Isku Aragti Ka Ahaayeen Axdiga Ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada,Waxayna Ku Bogaadiyeen Wasiirka Wasaarada Howsha Wanaagsan Ee Uu Soo qabtay.

Gabagabadii Kulanka Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibrahim Sheikh Muudeey ayaa Kulanka Soo Xiray.