Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Raad-raaca Kulamada Golaha Shacabka BJFS

 

Maalinimadii Sabtida Oo Ay Taariikhdu Ku Beegnayd 26.10.2019 Ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Bjfs Waxa Ay Yeesheen Kulankii Afaraad Ee Kalfadhiga 6aad,Ajandaha Kulanka Ayaa Ahaa Warbixin Kahadlaysa Fatahaado Saameeyay Qeybo Ka Mid Ah Dalka Gaar Ahaan Magaalooyinka Balad-Weyne Iyo Bardaale, Warbixin Ku Saabsan Deegaanka Awdheegle Ee Gobolka Sh/Hoose  Iyo Akhrinta 2aad Ee Wax-Ka Badalka Sharciga Furdooyinka.

Ugu Horeyntii Xildhibaan Farxiya Muumin Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Golaha Ka Hor Jeedisay Warbixin Ka Hadlaysa Daadad Saameeyay Magaadalada Balad-Weyne Ee Gobolka Hiiraan,Intaas Kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Soo Jeedimo Dhowr Ah Ka Sameeyay Sida Loola Taxcaali Karo Iyaga Oo Baaq U Jeediyay Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Dhinaca Kale Warbixin Ka Hadlaysa Daadad Saameeyay Magaalda Bardaale Ee Gobolka Baaywaxaa Iyana Golaha Ka Hor-Jeedisay Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Intaas Ka Dib Xildhibaan Nuur Sidow Ayaa Xildhibaanada Ka Hor-Jeediyay Warbixin Ka Hadlaysa Deegaanka Awdheegle Ee Gobolka Sh/Hoose Oo Mudooyinkaan Uu Howlo Shaqo U Joogay.

Ugu Danbayntii Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan Ayaa Xildhibaanada Golaha Ka Hor-Jeediyay Akhrinta 2aad Ee Sharciga Furdooyinka Iyo Qodobo Dhowr Ah Oo Ay Wax Ka Badal Ku Sameeyeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS Ayaa Isniintii Yeeshay Kulankooda 5aad Ee Kalfadhigaan 6aad Kooramka Kulanka Ayaa Ku Furmay 140 Mudane Waxana Shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman Oo Uu Wehliyo Guddomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Goalaha Shacabka Mudane Cabdiweli Ibrahim Sheikh Muuday Ajendaha Kulanka Aya Ahaa Akhrinta 2aad Ee Wax Ka Bedelka Sharciga Iibka Qaranka, Akhrinta 3aad Ee Sharciga Istaatistikada Qaranka, Akhrinta 1aad Heshiiska Kamid Noqashada Hay'adda Damaanada Maalgashiga Darafyada Badan iyo Warbixin ku saabsan Daadad Saameeyay Magaalada Bar-Daale.

Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey oo Ka mid Ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Fadhiga Golaha ka hor-jeediyay Warbixin Ku Saabsan Daadad Saameeyay Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay iyo Deegaanada ku Teedsan.

Sidoo Kale Xildhibaanda Golaha Shacabka BJFS Ayaa Maalintii Arbacada Ahayd Yeeshay Kulankooda 6aad Ee Kalfadhiga 6aad, Ugu Horey Guntanka Kulanka Guud Ee Mudanayaasha Golaha Shacabka Ayaa Ku Furmay 139 Xildhibaan,  Waxa Ay Xildhibaanada Akhrinta Sedaxaad Marsiiyeen Wax Ka Bedelka Sharciga Iibka Qaranka,  Waxaana Golaha Usoo Gudbiyay Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Miisaaniyada Qorsheynta Iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Intaasi Ka Dib Xildhibaanada Golaha Ayaa Cod Geliyay Wax Ka Bedelka Sharciga Iibka Qaranka,Waxaana Codka Haa Ku Ogolaatay 133-Xildhibaan Laba Xildhibaan Ayaa Diiday Halka Afar Xildhibaanna Ay Ka Aamuseen Sida Uu Natiijada Codeynta Ku Dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Kulanka Shir Guddoominayay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim Iyo Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan Oo Ka Mid Ah Guddiga Maaliyadda Ayaa Mudanayaasha Golaha Uga Mahad Celiyay Ansixinta Sharcigan.

Sidoo Kale Xildhibaan Aadan Cali Xasan Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ayaa Golaha Usoo Gudbiyay Akhrinta Sedaxaad Ee Wax Ka Bedelka Sharciga Furdooyinka,Gaar Ahaan Qodobada Wax Ka Bedelka Lagu Sameeyay.

Xildhibaanada Oo Sidoo Kale Sharcigan Cod Geliyay Ayaa Waxaa Codka Haa Ku Ogolaatay 134-Xildhibaan Waxaa Diiday 5-Xildhibaan Halka Sedax Xildhibaanna Ay Ka Aamuseen.

Ugu Dambeyn Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Maanta Ka Dooday Ajende Horey Uu Goluhu Ugu Balansanaa Oo Ahaa In Dood  Laga Yeesho Soo Xaadirista Xildhibaanada Ee Fadhiyada Golaha,Waxaana Dooda Ka Hor Guddoomiyaha Golaha Shacabka Uu Ka Hadlay Muhiimada Kalfadhigan Iyo Howlaha Golaha Horyaala.

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Fikirkooda Ka Dhiibtay Soo Xaadirista Xildhibaanada Iyo Howlaha Muhiimka Ah Ee Golaha Horyaala Kalfadhigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Kulanka Soo Xiray Ayaa Sheegay In Dooda Ku Saabsan Soo Xaadirista Xildhibaanada Ee Kulamada Golaha  Uu Sii Socon Doono,Waxaana Uu Xildhibaanadda Uga Mahad Celiyay Sida Ay Uga Go’antahay Dar Dar Gelinta Howlaha Golaha Horyaala

 

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya