Print this page

Raad-raaca Kulamada Golaha Shacabka BJFS

November 08, 2019 1725

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS Ayaa Maalinimadii Sabtida Aheyd Taariikhduna Ay Ku Beegnayd 2 Nov Ayaa Yeeshay Kulankii 7aad Ee Kalfadhiga 6aad, Kooramka Kulanka Ayaa Ku Furmay 140 Mudane, Waxa Kulanka Shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Oo Uu Wehliyo Guddomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Mudane Mahad Cawad Cabdalla

Ajendaha Kulanka Ayaa Ahaa Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed, Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Notaayadda Dadweynaha,U Codeynta Xisaab Xirka Miisaaniyada 2017 Iyo Sii Wadida Ka Doodista Maxdarka Xildhibaanadda

Kadib Ansixinta Ajandaha Waxaa La Guda-Galay Ajandaha 1aad Oo Ahaa U Codeynta Xisaab Xirka Miisaaniyada 2017 Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Maxamud Siraaji Oo Kulanka Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Guddiga Si Qoto-Dheer Uga Soo Shaqeeyay Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017, Wuxuuna Golaha Ka Codsaday In Ay Meelmariyaan Xisaab Xirkaan.

Intaas Kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ayaa Xildhibaanada Weydiiyay Inta Ogol Meelmarinta Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017, 128 Xildhibaan Ayaa Ogol Ugu Codeyay 8 Xildhibaa Ayaa Diiday Halka 5 Xildhibaan Ka Aamustay.

Guddooiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman Ayaa Ku Dhawaaqay Natiijada Codeynta,Ugu Danbayntii Xildhibaanada Golaha Ayaa Sii Dhamaystiray Inta Ka Harsan Ajandaha Kulanka.

Maalinimadii Isniinta Oo Ahayd 4 Nov Ayay Xildhibaanada Golaha Yeesheyn Kulanka 8aad Ee Kalfadhiga 6aad.

Ajandaha Kulanka Ayaa Ahaa Akhrinta 2aad Heshiiska Kamid Noqoshada Hay’adda Damaanada Maalgashiga Darafyadda Badan.  

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Shir Guddoominayay Kulanka Guud Ee Golaha Ayaa Waxa Uu Ugu Horeyn Sheegay In Xukuumadda Iyo Guddiyada Golaha Looga Baahanyahay In Ay Soo Dedejiyaan Shuruucda Ay Hayaan Si Uu Goluhu Waajibaadkiisa Uga Guto.

Sidoo Kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka Ayaa Akhrinta 2-Aad Marsiiyay Heshiiska Ka Mid Noqoshada Hay'adda Damaanadda Maalgashiga Darafyada Badan Oo Ay Soo Gudbisay Wasaaradda Ganacsiga  Waxaana Golaha U Faah Faahiyay Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga,Dhaqaalaha, Warshadaha Iyo Maalgashiga Ee Golah Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

Intaasi Ka Dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka Ayaa Ka Dooday Heshiiskan Iyo Muhiimadda Uu Dalka U Leeyahay, Waxaana Xildhibaanadda Oo Fikrado Kala Duwan Ka Dhiibtay Qaarkood Ay Sheegeen In Hadii Sharcigan La Ansixiyo Faa'idooyin Badan Uu Dalka U Leeyahay.

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Kulanka Soo Xiray Ayaa Sheegay In Muhiim Ay Tahay In La Helo Sharci Yaqaano Maadaamaa Uu Heshiiskan Yahay Mid Caalami Ah.