Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Dalka Burkina Faso

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Dalka Burkina Faso waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka Burkina faso kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dalkan oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Burkina Faso iyo xubno kale oo Baarlamaanka Dalkan ka tirsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Burkina Faso Alassane Baka Sadandé oo shir jaraa’id ku qabtay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa guud ahaan madaxda Dalka Burkina Faso gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka ee dalkan uga mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa ,waxaana uu sheegay in mudada ay joogaan kaga qayb geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Burkina Faso,Sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalkan Burkina Faso Alassane Baka Sakandé ayaa dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Dalka Burkina faso waxa uuna sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan.

Maalinta beri haduu Alle idmo Waxaan Dalkan ku yaala galbeedka Afrika ee Burkina Faso Caasimadiisa Ouagadougou (Wagadhugu) ka furmi doona kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto.

 

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya