Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

MADAXWEYNIHII HORE EE JFS OO GUTAY DHAARTA DASTUURIGA AH EE XUBINNIMADA JOOGTADA AH EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta loo dhaariyey xubinimo Golaha Shacabka oo abadiyan ah, Qodobka 64-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo wax ka baddel lagu sameeyay 2012-2016 ayaa dhigaya in qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo uu noqonayo Xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqonaya Madaxweynihii labaad oo markii uu xilka ka dagay xildhibaan noqday, 2017 waxaa sidoo kale xildhibaan noqday Xasan Sheekh Maxamuud. Tirada xidhibaannada Golaha Shacabka oo markii hore lagu dhisay habka 4.5 ayaa ahaa 275 laakiin hadda waxa uu noqonaya 277 mudane.

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya