Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA BJFS OO MAANTA MEELMARIYAY XUKUUMADA CUSUB

Muqdisho Ogoosto 07,2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 1aad kulankiisa 14aad ee Golaha Shacabka BJFS, Ajandaha kulan oo ahaa ansixinta Golaha Wasiirada ee xukuumadda uu dhowaan soo magacaabay Ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre. Kullanka oo ay soo xaadireen 237 mudane ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka xildhibaanada u weeydiiyey in ay siiyaan codkooda kalsoonida ah, waxaana cod gacan taag ah ku codeysay 229 xildhibaan waxaa diiday 7 mudane waxaana ka aamustay 1 Xildhibaan, sidaasina uu Guddoomiyuhu ugu dhawaaqey inay ansax tahay Xukuumadda. Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyey kalsooni siinta Xukuumada uu soo magacabay waxaana uu sheegay in xukuumadiisa ay dardar gelin doonto hirgelinta Barnaamijyada horyaala. Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa soo xirey kulanka Golaha Shacabka. Dhammaad

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya