Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

GOLAHA SHACABKA BJFS OO MAANTA ANSIXIYAY RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA MUDANE XAMSE CABDI BARRE,

MUQDISHO JUUN 25,2022; Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo labadiisa ku-xigeen ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 1-aad Kulankiisa gaarka ah ee Golaha, waxaana soo xaadiray 220 mudane. Ajandaha kulanka oo ahaa ansixinta Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqad ka soo baxday Xafiiskiisa xildhibaanada Golaha Shacabka JFS kaga codsay in ay codkooda kalsoonida siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu soo magacabay waxaana golaha hortooda ka aqriyey xoghayaha guud ee Baarlamaanka mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux. Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha JFS mudane Xamse Cabdi Barre oo xildhibaanada hor-yimid ayaa ka codsaday in codkooda kalsoonida siiyaan si u soo dhiso Xukuumad tayo leh. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo Xildhibaada Golaha Shacabka BJFS codkooda kalsoonida ah, u weeydiiyey Ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre waxaana cod gacan taag ah ugu codeeysay 220 xildhibaan ma jirin wax diiday iyo wax ka aamusay, waxaana Guddoomiyaha ku dhawaaqay in si rasmi ah loo ansixiyey Ra’iisul wasaaraha la soo magacaabay.

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya