GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KULAN LA QAATAY HAWEENKA KU JIRA GOLAHA SHACABKA BJFS.

Muqdisho September 11,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi ka socda xildhibaannada haweenka ah ee ku jira Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa marka hore warbxin ka dhageystay xildhibaannadda haweenka ah iyagoo is weydaarsaday sidii haweenka tageero uga heli lahaayeen ka qeyb galka siyaasada iyo awoodsiinta.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyey howlkarnimadda ay sameynayaan haweenka Xildhibaannadda ah ee ku jira Golaha Shacabka BJFS, isagoo la wadaagay inay xoojiyaan midnimada xildhibaanada haweenka ah ee ku jira BJFS, waxaana uu u sheegay inay heli doonaan aqoon kororsi ku aaddan hanaanka sharci dejinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhammaad

Lasaco Tweets keenna

Guddoomiyaha @Golaha_shac_JFS Mudane @AadanMadobe ayaa waxa uu Khadka Teleefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Turkig… https://t.co/5X1Y7kt52n
Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aada… https://t.co/Fs6mWAqpQ6
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh @AadanMadobe ayaa maant… https://t.co/sSNM8yDGKW
Follow Golaha Shacabka BJFS on Twitter

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya