Print this page

KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA DALKA OO KULAN LA QAATAY MADAXWENAHA DOWLAD GOBOLEEDKA JUBALAND.

September 15, 2022 378
Muqdisho September 15,2022, Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kulanka oo looga hadlay gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda argagaxisada Al Shabaab.
 
Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray xaalada guud ee dalka gaar ahaan abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolada Dalka, waxaa uu Madaxweyne Axmed Madoobe warbixin ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii Dalka loogu xorreyn lahaa Kooxaha xagjirka ah ee dhibaatada ba’an ku haya Ummadda Soomaaliyeed.
 
DHAMMAAD