GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KHADKA TELEEFOOKNKA KULA HADLAY DHIGIISA DALKA TURKIGA.

Muqdish September 28,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu Khadka Teleefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxayna iska xogwareysteen xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka, labada mas'uul ayaa adkeeyey Xoojinta xiriirka labada Barlaman ee Jamhuuriyadda Turkiga iyo Baarlmanka JFS.
 
"Waxaan khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxaana kawada hadalnay xiriirka labada baarlamaan iyo dardar-gelinta shaqada guddiga saaxibtinimada labada baarlamaan. Sidoo kale waxaan iska xogwareysannay arrimaha gobolka iyo caalamka ee khuseeya dalalkeenna," Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.
 
DHAMMAAD

Lasaco Tweets keenna

Gudd @Golaha_shac_JFS Mudane @AadanMadobe ayaa la kulmay Madaxda Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Mudane F… https://t.co/04kMTSYXRs
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mad… https://t.co/96ONUHmZhF
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mad… https://t.co/HqAwHIqeDL
Follow Golaha Shacabka BJFS on Twitter

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya