Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BJFS OO KULAN LA QAATAY JAALIYADA SOOMAALIYED EE DALKA NETHERLAND

The Hague Oktoobar 12,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, islamaarkaana ku sugan dalka Netherlands ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi oo uu hormuud u yahay Amb. Yuunis Yaasiin Xaashi oo ah Safiirka Soomaaliya Benelux iyo Midowga Yurub.
 
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherland ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyey magalada The Hague ee Netherland iyagoona uga warbixiyey nolosha dalkan iyo xaaladaha guud ay ku sugan yihiin.
 
Gabagabada kulanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada The Hague ugu warbixiyay safarkiisa iyo xaalada guud ee dalka isla markaana u sheegay in dalka uu ka socdo kacdoon dadweyne oo lagu cirib tiraayo Kooxda Al Shabaab, sidoo kale waxaa uu xusay in dalka ay ka jirto abaaro ba'an oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayuu Guddoomiyaha Jaaliyada reer Netherland uga baaqay in kaalin mug leh ay ka qaataan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya