Print this page

KU-SIMAHA GUDDOOMIYAHA AHNA GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA KOOWAAD EE GOLAHA SHACABKA OO MAANTA GAARTAY MAGAALADA BUULABURDE EE GOBOLKA HIIRAAN.

October 11, 2022 558
Muqdisho Oktoobar 11,2022, Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka BJFS, Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar, iyo Wafdi ay hoggaamineeyso gaaray Degmada Buula burte ee Gobolka Hiiraan oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle.
 
Guddoomiye Sacdiyo iyo wafdigeeda ayaa waxay shixnad gargaar ah gaarsiiyeen Ciidanka ku sugan Degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan, Safarka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Marwo Xil. Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Habdhowraha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, la-taliyaasha dhanka Haweenka u qaabilsan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, Ururka Haweenka Qaranka iyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadi iyo Guddoomiye-yaasha Degmooyinka Warta Nabada iyo Cabdicasiis.
 
Guddoomiye Sacdiyo ayaa soo dhoweyn ka dib waxay socdaal lugta ah ku martay qeybo ka mid Magalada iyadoo u kuur galeysay Xaalada dhabta ah ee ka jira magalada Buuloburte, waxayna sheegtay in Shacabka reer Hiraan Dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan tahay hiil iyo hooba, si dalka loogu xorreyo kooxda argagaxisada Al Shabaab.
 
Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo ayaa xustay in marka Baarlamaanka la furo Xildhibaannadda la horgeyn doono in dhaqaalo loogu ururiyo dagaalka dadka reer hiiraan si ay uga guuleystaan dib u xorreynta dalka.
DHAMMAAD