GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KULAN LA YEESHAY KU-XIGEENKA ERGEYGA GAARKA AH QM EE KAALMEYNTA SOOMAALIYA

Muqdisho 01, January 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.
 
Kulanka Guddoomiyaha iyo Marwo Anita Kiki ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo xustay inay UNSOM taageereyso dadaalada uu garwadeenka ka yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go'doomiyeen.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gunnaanadka kulanka ayuu Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay halka ay mareyso arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed isagoo la wadaagay inuu kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Lasaco Tweets keenna

Guddoomiyaha @Golaha_shac_JFS Mudane @AadanMadobe ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Midowga Musharraxi… https://t.co/PhwhJHasV7
Gudd Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane @AadanMadobe ayaa maanta soo xiray waj… https://t.co/sNUqfyEfyS
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mad… https://t.co/KciCfjINHj
Follow Golaha Shacabka BJFS on Twitter

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya