Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

GUDOOMIYE SHEEKH AADAN OO KA QEYB GALAY SHIR WEYNAHA 34-AAD BAARLAMAANNADA CARABTA

 
Baqdaad, 25 Febraayo, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya M.ne Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq uga qayb galay meertada 34-aad ee Midowga Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
 
Shirweynaha afar iyo soddonaad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo maanta ka furmay magaalada Baqdaad ayaa looga hadlay taageerada Carabta si kor loogu qaado xasiloonida iyo madax banaanida dalka Ciraaq, iyadoo madaxdu ay isla eegeen guddiga fulinta go’aamadii ka soo baxay shirweynihii 32aad iyo Shirweynihii 33aad ee deg-degga ahaa, arrimaha maaliyadda, xisaabta kama dambaysta ah ee sanadka 2022-kii iyo barnaamijka qabyo-qoraalka barnaamijka shaqada.
 
Madaxda shirka ka qeyb gashay qaarkood ayaa soo jeediyay in la taageero codsiga ah in qodob degdeg ah lagu daro ajandayaasha golaha guud ee 146-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka ee uu soo gudbiyay Golaha Shuurada ee Dawladda Qatar, oo wakiil ka ah Kooxda Baarlamaanka Carabta, oo cinwaankeedu yahay In la dambiyo quursiga diinta, ku xad-gudubka goobaha cibaadada iyo xurmada, faafinta nacaybka dadyowga dhexdooda, iyagoo ku baaqay in la horumariyo qiimaha wada-noolaanshaha, dulqaadka, nabadda iyo amniga caalamiga ah.
 
Shirka ayaa sidoo kale maanta looga hadlay In la sameeyo wafdi ka socda Midowga Baarlamaanka Carabta oo booqasho ku taga walalaha Suuriya, isla markaana la caddeeyo taageerada iyo garab istaaga dowladda iyo shacabkeeda.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya