Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO GAARAY MAGAALADA BAQDAAD EE CAASIMADDA DALKA CIRAAQ

Baqdaad, 24, Febraayo,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo xalay gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo dalkaasi uga qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta ayaa loo gudbiyey hoyga martida waxaana ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhigiisa uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Lasaco Tweets keenna

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mad… https://t.co/yuysbmlrlH
Gudd. @Golaha_shac_JFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh @AadanMadobe oo ay weheliyaan xildhibaanada la… https://t.co/HdI82Am5mm
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudan… https://t.co/3vsBALUcb3
Follow Golaha Shacabka BJFS on Twitter

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya