Print this page

KU SIMAHA GUDDOOMIYAHA AHNA GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA 1AAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMISAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA EE GOLAHA SHACABKA.

February 24, 2023 676
 
Muqdisho, Febraayo 23, 2023: Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa guddoomisey kulanka 17aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayadoo uu goobjoog yahay Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka M.ne Cabdullaahi Cumar Abshirow.
 
Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhammeystirka sharciyada hortabinta u leh Golaha inta ka hartay kalfadhiga 2aad, waxaana la isku raacay in la dardargaliyo sharciyada horyaala Golaha Shacabka.