Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Hey'adda Hormarinta TIKA oo Heshiis Dhismaha Xarunta Golaha kuwada Saxiixay Muqdisho

Guddoomiyaha Iyo Mas'uuliyiinta TIKA Guddoomiyaha Iyo Mas'uuliyiinta TIKA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Masuuliyiinta Shirkadda Dhismaha iyo Hormarinta ee Tika oo uu wehliyo Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Amb. Olgan Bekar ayaa Maanta kala saxiixday heshiis laba dhinac ah oo ku Aadan Dhismaha Xarunta Baarlamaanka JFS iyo Xarun kumeel-gaar ah oo dhawaan lafilayo in uu bilowdo Dhismaheeda.

Mashruucaan oo dhismihiisa ku baxaayo malaayiin doolar ayaa Mas,uuliyiinta Shirkada Hormarinta ee Tika Waxay balanqaadeen inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dardargelin doonaan dhisamaha Golaha iyo xarunta Kumeel-Gaarka ee Villa Hargeysa.

Dhismahaas ay balanqaadeen Hey’ada Hormarinta ee TIKA ayaa wuxuu qeyb weyn ka qaadan doonaa Howlaha Golaha Shacabka iyo Bilicda Caasimada.

Dadaalkaan loogu jiro in lagu dhiso xarunta Golaha Shacabka ayaa wuxuu soo maray maraaxil kala gedisan iyadoo Guddoonka Golaha Shacabka oo xoog saaray ka gun gaaridda iyo bilic usoo celinta Guriga Ummadda.

 

 

Sawiro
Sawiro
sawiro
Xarunta Kumeel gaarka Villa Hargeysa

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya